13/02/2022
Madaxweyne Mustafe:"waxaa habboon in xishood lagu daro siyaasadda".
"Buuqa siyaasadeed ee maalmahan la furayaa waa mid ujeeddadiisu caddahay xidhiidhna aan la lahayn arimaha lagu af gabaadsanayo. Marka waxaa haboon in aan wakhti lagu lumin ka jawaabidda waxyaalaha lugta lagu sii dhufanayo sida abaarta iyo xorriyadda siyaasadda oo ay shacabka u taal inay iyagu aaraa ka dhiibtaan sida wax yihiin, balse laga jawaabo eedeeymaha tooska ah iyo ujeeddooyinka ka dambeeya.
1. Masuuliyiin h**e oo ka hadlay abaaraha waxay sheegeen in diyaar-garoowgu hooseeyay iyagoo aan wax caddayn ah raacin. Haddaba maadama xukuumadu in ka badan 200 oo Ceel qoday, calaf beertay, kii ay beertay ku shan jeer ka badanna ama soo iibisay ama bilaash deegaano kale kaga heshay, anaga calaf nalagama iibsan ma noqon karto diyaar-garoow hooseeya. Haddana waxaa haboon in masuuliyiintii h**e wixii ay calaf hayaan ay dadka bilaash ku siiyaan hadii ay u danqanayaan.
2. Waxaa kale oo iyana ay tahay in shacabku ka doodo cid walba oo mansab Madaxweyne soo martay ma mudan tahay maamuus? Maxaa maamuus lagu mutaa? Ma in aad magac mansab wadato mise in aad magaca mansabka u qalantid? Miyaanay aheyn in shuruudo lagu xidho maamuuska sida in qofka xaq u helaya maamuus inuu yahay qof aan dhibaateeyn shacabkiisa, mid si xor ah loo doortay, si nabada ahna xilka kaga tagay? Dambiile hala maamuuso ma afbaa? Ma caddaalad baa?
3. Magaaladda iyo miyigaba abaar baa ka jirta marka la leeyahay miyayna aheyn in la kala saaro oo miyigana abaar magaaladana busaarad la yidhaa? Abaar iyo busaarad in la isku qaldo miyay tahay, oo iyadoo busaarad laga cabanayo abaar laga hadlo? Ma maantoo dadkii abaar la daalaa dhacayo ayay aheyd maalinkii maamus loo dudi lahaa, busaaradna laga caban lahaa?
4. Xorriyadda hadalka iyo dhaqdhaqaaqa siyaasaddu xaguu ka biloowdaa xaguuse ku dhamaadaa? Xorriyatul qawlku ma xorriyatul qalalaasaa?
5. Marka laga tago beer-laxawsiga iyo dacaayadda siyaasadda, cid walba oo maanta dadka abaaraysan wax u keenta miyayna mudnayn in la ixtiraamo? Yay tahay in la ixtiraamo? Ma qofka dadkoo gaajaysan anigu maxaan u dhargi la’ahay leh ee calaf kii uu hayay bakhaar ku xareeystay mise ka meel fog raashin ka keenay isagoon waliba deegaanka u dhalan?
Wax intaa ka badan oo laga hadli karaa wuu jiraa waxaase habboon in xishood lagu daro siyaasadda".