06/04/2022
Maxamed wuxuu ka mid ahaa Dhalinyarada raacay Tabliiqa,wuxuuna la galay safaro badan, wuxuu ka codsanjiray Culimada Tabliiqa In ay u duceeyaan si uu shaqo u helo, muddo 3 sano ah wuxuu baadi goob ugu jiray siduu shaqo ku heli lahaa, wuxuu tagi jiray suuqa wayn ee Garoowe isagoo ka codsan jiray dhalinyarada halkaas ka shaqaysata in ay shaqo siiyaan mana suuragelin oo waxba umaysan qaban.
Sidoo kale wuxuu u tagay Madaxda Gobolka iyo Hogaanka Degmada Garoowe oo waalid ahaan ugu Beegan qaybtood, wuxuu u bandhigay shaqo la'aanta haysa laakiin dheg Jalaq umaysan siin, mudo kadib mar uu ka Quustay in uu shaqo helo ayaa nin dhalinyaro ah oo ka shaqaysta khamiisyada iyo kabaha shaqo siiyey, mudo 7bilood ku dhaw oo uu halkaas ka shaqeysanayey Maxamed waxaa u aruurtay 9boqol, wuxuu go'aan ku gaaray in uu gaar u shaqaysto, wuxuu tagay hargeysa wuxuuna soo iibsaday Khamiisyo iyo koofiyado si uu Iida uga faa'iideysto, kadibna wuxuu dhigay bakhaar, nasiib darro alaabti uu kusoo rafaaday maxamed waxay ka mid noqotay hantidi ku gubatay suuqa waaheen, maxamed talaa ku cakirmatay, hotelki lacagtiisi waa laga rabaa hantidi yareed waa ka gubatay shilinna jeebkiisa kuma jirto...
Wuxuu ka hadlay dareenkiisa wuxuuna ka run sheegay qasaaraha gaaray oo dhan 900 oo kaliya, waxba kumuusan Darin kaliya wuxuu sheegay hantidi ka gubatay, saacado kadib saacidaad badan ayeey reer Hargaysa u sameeyeen maxamed, hadda wuxuu haystaa $2,600 waxaa la balansan maayarka hargeysa, dahabshiil iyo amal ayaa iyagana la balansan, maamo kale uu dalka Dibadiisa joogta reer hargeysa ah ayaa iyana u balan qaaday $3,000
Maxamed waxaa hadda soo wacaya Madaxdi Degmada iyo kuwi Gobolka ee Garowe ku sugan kuwaasi oo kal h**e albaabka ka furi waayey, waxayna ku canaananayaan talaabada uu qaaday iyo qaaraanka loo sameynayo, shacab kale ayaa soo wacaya kuwaasi oo ku aflagaadeynaya sababta uu Mediyaha uga soo muuqday, kuwaasi oo aan ogayn dhibaatadi uu usoo maray iyo hantida uu waayey.
Maxamed wuxuu qorshaynayaa in uu Ganacsi ka furto Garoowe waqtiyada soo aadan, waxaa hiil ugu filan in ganacsigiisa lagu taageero, wax laga iibsado, suuq gayn fiicanna loo sameeyo, lagana daayo wicista iyo Niyadjabka.
Allah hala garabgalo Maxamed hamigiisa fog, inti saacidayna ajar iyo xasanaad haka siiyo.
Xq: Ibrahim Musse Dahran.