05/02/2021
TAXANAHA CAAFIMAADKA
1. Difaaca jirkaagu in uu yaraado calaamada ugu horeysa ee aad ku ogaan karto waa hargab soo noqnoqda. Si difaaca jirkaagu u siyaado, cuduradana uga nabad gasho quraaco hal saac subaxnimo ka hor, quraacda oo la daahiyo waa halis caafimaad
2. Biyo baxa dagdaga ah marka aad isku aragto sida ugu fudud ee aad u joojin karto waa in aad joojisaa neeftuurka zaaidka ah sababtoo ah neefta xooga aad u tuurayso marka jamaaca aad samaynayso waxay dhiiga ka saartaa xubinta, biya bax dagdaga ahna way sababtaa
3. Cudur kasta wuxuu ka dhashaa hurdo yari ama dhafarka inuu kugu bato, waxa ugu badan ee qofka cimrigiisa soo dadajiya waxaa ka mid ah Stress-ka, Stressku xita cirro ayuu qofka kasoo saaraa wuxuuna qofka u ekeysiiyaa mid ka wayn da'diisa.
4. Caruurta waxyaabaha ugu badan ee u keena dhimashada waxaa ugu horeeya marada wajiga ka saarmaysa marka hooyadu ka dheerato, waalid ama walaal ka taxadar nolosha caruurta kana fogee bac iyo maro wax kasta oo uu cunugu soo qabsan karo
5. Caajiska iyo walwalka maskaxda sida ugu fiican ee qofku ku yarayn karo waa in uu sameeyo socod badan, fadhiga iyo jiifka badanna yareeyo, kalinimadu waxay keentaa in qofku aaad u fakaro kadibna isku buuqo
Hadii aad ka faaiidaystay uga faaiidee walaalaha Kale
Qodobkee Aad Kuu Saameeyay