Juuqyare

Juuqyare ุงู„ู„ู‡ู… ุงู†ุง ู†ุณุงู„ูƒ ุนู„ู…ุง ู†ุงูุนุง ูˆุฑุฒู‚ุง ุทูŠุจุง ูˆุนู…ู„ุง ู…ุชู‚ุงุจู„ุง๐Ÿคฒโค๏ธ๐Ÿฅฐ

18/08/2026

Taleefanka Waa Sheydaan Jeebkaaga Ku Jira Yuusan Kaa Lumin Waqtiga Qiimaha badan ee Rabbi Kusiiye

18/08/2026

Intaas Dhan Maleesku Daraa Hablaheeyna Qiimaha badan Ee Soomaaliyeed Wallee
Waxbaad Naga heeysaane Abaalkiina Janno๐ŸŽ

17/08/2026

ูŠุงู†ูˆุฑูŽ ุงู„ุนูŠู†ูุŒ ูŠุง ุจุงุจูŽ ุงู„ูุชุญูุŒ ูŠุง ุฑุณูˆู„ูŽ ุงู„ู„ู‡ ๏ทบ
ูŠุง ุญุจูŠุจูŽ ุงู„ู„ู‡ูุŒ ูŠุง ุฎูŠุฑูŽ ุฎู„ู‚ู ุงู„ู„ู‡ูุŒ ูŠุง ุฑุญู…ุฉู‹ ู„ู„ุนุงู„ู…ูŠู†ุŒ
ูŠุง ุดููŠุนูŽ ุงู„ุฃู…ุฉูุŒ ูŠุง ุตุงุญุจูŽ ุงู„ุฎูู„ูู‚ู ุงู„ุนุธูŠู…ูุŒ
ุตู„ู‘ู‰ ุงู„ู„ู‡ู ูˆุณู„ู‘ู…ูŽ ูˆุจุงุฑูƒูŽ ุนู„ูŠูƒูŽ ูŠุง ุณูŠุฏูŠ ูŠุง ุฑุณูˆู„ูŽ ุงู„ู„ู‡ ๏ทบโค๏ธโค๏ธโค๏ธ

16/08/2026

Masha allah Kuwa Kudayashada iyo Ka Ag dhawaashaha Mudanโค๏ธ

Allow Cimriga Cibaado Aqbal Ah Ugu Dar Yarabi๐Ÿคฒ




17/07/2026
TAARIIKH_KOOBAN:ALLAHA U NAXARIISTEE SHEEKH XUSEYN MAXAMED MAXAMUUD (SHEEKH XUSEYN CADDE)Sheekh Xuseyn Maxamed Maxamuud ...
17/07/2026

TAARIIKH_KOOBAN:

ALLAHA U NAXARIISTEE SHEEKH XUSEYN MAXAMED MAXAMUUD (SHEEKH XUSEYN CADDE)

Sheekh Xuseyn Maxamed Maxamuud (Sheekh Xuseyn Cadde) wuxuu ka mid ahaa culimadii waaweynaa ee Soomaaliyeed ee cimrigooda u huray faafinta diinta Islaamka, baridda cilmiga shareecada iyo tarbiyeynta jiilal badan oo culimo noqday.

๐ŸŒฑ Dhalashadiisa
Sheekhu wuxuu ku dhashay gobolka Shabeellaha Dhexe sannadkii 1337 Hijri, oo ku beegan 1915 Miilaadi.

๐ŸŒธ Waalidkiis iyo Macallinkiisii Qur'aanka
Hooyadii waxay ahayd Culumo Hilowle (Alle ha u naxariistee), halka macallinkii Qur'aanka uu ahaa Mucallin Axmed Jocor (Alle ha u naxariistee).

Markii uu dhammeeyey barashada Qur'aanka Kariimka ah, isagoo 23 jir ah, wuxuu u soo guuray magaalada Muqdisho si uu ugu sii barto culuumta Shareecada Islaamka.

๐Ÿ“š Culimadii uu wax ka bartay
Waxaa ka mid ahaa:

- Sheekh Cali Maxamuud Macow (Xaaji Cali Mataan)
- Sheekh Maxamed Sheekh Muxyidiin Macallin Mukarram
- Sheekh Abuu Bakar Sheekh Muxyidiin Macallin Mukarram
- Sheekh Cabdul-Majiid (Sheekh Cadde)
- Sheekh Cabdiraxmaan Celi

๐ŸŽ“ Waxbaristii iyo Ardaydiisii
Sheekh Xuseyn Cadde wuxuu noqday mudarris caan ku ahaa dhigista funuunta kala duwan ee Shareecada. Wuxuuna soo saaray arday badan oo iyaguna noqday culimo bulshada anfaca, waxaana ka mid ahaa:

Sheekh Axmed Mobleen, Sheekh Xasan Cadde, Sheekh Hilowle Tifow, Sheekh Abiikar Cali, Sheekh Muuse Maracadde, Sheekh Cismaan Xiddig, Sheekh Maxamuud Muuse Jaras, Sheekh Cabdullaahi Cali Barqadle, Sheekh Nuur Aw Cumar, Sheekh Cabdirashiid Sheekh, Macallin Cabdiraxmaan Sheekh, Sheekh Nuuradiin Roble Xurshow, Sheekh Axmed Yare, Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdi, Sheekh Maxamed Gaadi, Sheekh Maxamuud, Sheekh Muuse Cadde, Sheekh Cali Mu'min, Sheekh Maxamuud Shiikhay, Sheekh Cabdisalaam Suuley, Sheekh Axmadey Maxamed iyo culimo kale oo fara badan.

๐Ÿ‘จโ€๐Ÿ‘ฉโ€๐Ÿ‘งโ€๐Ÿ‘ฆ Qoyskiisa
Alle wuxuu ku mannaystay 23 carruur ah, kuwaas oo kala ahaa 11 wiil iyo 12 gabdhood.

๐Ÿ•‹ Xajka
Sheekhu sanad kasta wuxuu u safri jiray dhulka barakeysan si uu u soo guto acmaasha Xajka, Cumrada iyo booqashada Masjidka Nabiga ๏ทบ. Intii uu noolaa wuxuu Xajka gutay 27 jeer.

๐Ÿคฒ Tarbiyada iyo Taqwada
Waxaa lagu yaqaanay cibaado badan, warac iyo taqwo. Habeenno badan ayuu ku bixin jiray akhriska iyo daraasaynta kutubta cilmiga, isaga oo waqtigiisa u huray barashada iyo faafinta diinta.

Waxaa xilligii uu noolaa loogu yeeri jiray magacyo ay ka mid ahaayeen:

- Caalimul Banaadir
- Warici
- Faqiih
- Taqi

๐Ÿ’Ž Warac iyo Xalaal Miirad
Maalin isagoo sugaya gaadiidka dadweynaha, nin ayaa lacag siiyey si uu baabuur ugu raaco. Markii uu guriga tagay wuxuu xaaskiisa ku yiri:

"Lacagtan meel ii dhig, hana lagu bixin wax kale. Waxaa la ii siiyey oo keliya in baabuur lagu raaco."

Arrintaasi waxay muujinaysay sida uu uga taxaddari jiray xuquuqda dadka iyo xalaasha.

๐Ÿ•‹ Qiso kale oo muujinaysa daacadnimadiisa
Mar lix qof ayaa kala gooni-gooni ugu keenay lacag uu Xaj ku aado. Wuxuu aqbalay lacagtii qofkii ugu horreeyey oo keliya, shantii kalena dib ayuu ugu celiyey.

Markii la weydiiyey sababta, wuxuu yiri:

"Hal qof lacagtiisa ayaa igu filan inaan Xaj ku guto. Lacagta inteeda kale Xuseyn Maxamed Maxamuud maslaxad uu ku qaato ma haysto."

๐Ÿ•Œ Dariiqada
Sheekhu wuxuu ka tirsanaa Dariiqada Axmadiyadda, isagoo ka qaatay mashaa'ikhdii uu ka mid ahaa Sheekh Daahir Sheekh Cumar iyo Sheekh Xasan Mucallim Mu'min.

๐ŸŒ™ Geeridiisa
Alle ha u naxariistee, Sheekh Xuseyn Cadde wuxuu geeriyooday sannadkii 1415 Hijri, oo ku beegan 1994 Miilaadi, 6-da bisha Safar, isagoo jira 79 sano.

Geeridu waxay timid isagoo kasoo laabtay Xajkii ugu dambeeyey, wuxuuna noolaa oo keliya 12 maalmood kadib soo laabashadiisii. Wuxuu ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaallay degmada Boondheere ee Muqdisho.

Sheekh Xuseyn Cadde wuxuu ka tagay dhaxal weyn oo ah cilmi, tarbiyad, taqwo iyo arday sii wada faafinta diinta Islaamka.

Alle ha u naxariisto Sheekh Xuseyn Maxamed Maxamuud (Sheekh Xuseyn Cadde), hana ka abaalmariyo dadaalkii uu u galay diinta Islaamka. Aamiin.

Xigasho :baro diintada.

19/06/2026

Quluubta Qofka Mu'minka Ah Waa Damqataa Markeey Arkaan Culimada oo Dhib Sheeganeeysa Wiilkaan Cajiib Waaye Wllhi

15/06/2026

Adduunyo Wataas Waqtigu Waa Muhiim inaad ka faa'ideeysatid Ogowna Wiil Ahow Ama Gabar

Salaadda Sideey Waajib kuugu tahay Ayeey Waajib kuugu tahay inaad baratid Cilmiga Laxiriira Salaadda si aad u ogaatid Sideey kaaga Ansaxeeyso Cibaadada Rabbi kugu Waajib yeele

11/06/2026

Waxaad Waligaa Soomaalinimo Kuweeyse Haku Raadin Aragti Kahooseeyso ee Isku Day Inaad Bedesho Hanaanka Ka Jira Meesha Waxa Kajira

Ummadda Soomaaliyeed Waa Kacday Wiilkooda Waxeeyna Geeyeen Halkii Ugu Sareeyse Inow Caan Kanoqdo Gobolkasta oo Kamida Dunidaan

Address

๐„๐ฅ๐ฌ๐ข๐ฌ ๐‘๐ข๐ฏ๐ž๐ซ
Cape Town

Telephone

+27813652579

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Juuqyare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Juuqyare:

Shortcuts

Share

Category