15/05/2026
Breaking : Mareykanka oo ku dhawaaqeya 4 cunaqabateyn hadii uu MD Xasan Sheekh diido xal iyo Wasaradda Arimaha Dibadda oo la filaya in war kaso baxo.
Sida aan kaso xiganay ilo diblomasiyaded , Safiirka Mareykanka aya Madaxweyne Xasan Sh eekh si toos ah ugu sheegay in muddo xileedkisa uu ku egyahay barito , loona baahan yahay heshiis siyaasaded.
Mareykanka aya Xasan Sh fariimo ay soo gaarsiyen uga digay hadi uu taladoda ka dhaga adeygo in 4 cunaqabateyn laso rogi doono
1) Cunaqabateyn socdaal (visa restriction). Mareykanka iyo xulufadisa aya Madaxweyne Xasan Sh, xukuumadiisa iyo dadka loo arko ineey hor-taagan yihiin heshiis siyaasaded kuso rogi doona xayirad socdaal.
2) Cunaqabateyn dhaqaale (economic sanction) . USA iyo xulufada reer galbeedka aya joojin doona taagerada dhaqaale iyo kabka miisaniyada ay siiyan dowladda Federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
3) Xayiraad dhaqaale (assets restrictions). Mareykanka iyo reer galbeedka aya si gaar ah u beegsan doonan hantida Xasan Sh iyo saaxibadis siyaasaded si cadaadis loo saaro.
4) Joojinta taagerada la-dagaalanka argagixisada (pausing anti-terrorism operations). Mareykanka aya joojin doono xogaha sirdoon , kabka miisaniyaded, duqeymaha iyo saanada Soomaliya uuka caawiyo.
Geesta kale Safiirada USA iyo UK aya la filaya ineey wada-tashi u aadan Washington iyo London si ay xaaladda halista ay Soomaliya wajaheyso ula wadaagto dowladahoda.