Waayo Arag

Waayo Arag Barnaamij taariikh xambaarsan xog-warranka waayeelka waayo badan u soo joogay

Dagaalyahannimo Meel Weydey  Soomaalidu waa dagaaliyahaniin. Bal akhri qoraalkan gaaban on ka soo qaatay buuga la yidhaa...
07/12/2025

Dagaalyahannimo Meel Weydey

Soomaalidu waa dagaaliyahaniin. Bal akhri qoraalkan gaaban on ka soo qaatay buuga la yidhaa “Warriors: Death and Life among Somalis,” ama Dagaaliyahaniin: Dhimasho iyo Nolol Kula Joog Soomaali.” Waxa qorey sarkaalkii Gerald Hanley.
Waxa u hoggaaminayey askartii Xulafada Ingriiska ee dagaalkii adduunka ee labaad (WW 2).

Mar uu ka sheekaynayey dagaalyahannimada Soomaalida waxa uu aad ugu dheeraaday sidii ay uga dagaalameen Furinta dalka Burma. Waa marka uu ka sheekaynayo dagaaliyahanimada Soomaalida. Meelo canaf ku ah Walaalaha Afrikada markaan ka boodo, waxaan soo qaadan sida ay ula dagaalameen askartii Jabaanka ee loo caal waayay.

Waxa u yidhi sidan: “Markii kanooni iyo hub culus la iskula daalay, waxa la iskula tagay gacan iyo soodh. Taliyahoogii gaalka ahaa wuu la qabsan kariwaayey xawaaraha iyo sida cabsi la’anta ay Soomaalidu dagaalka uga qayb qaateen.

Geesiyiintii Soomaalida mid ka mid ah oo Digoodi ama Dogoodiya ah oo Rer -NFD ah ayaan weydiiyey sida dagaalku u dhacay. Waxa uu iisheegey inay Jabaaniisku qudhoodu si geesinima ah u dagaalameen.” Waxaa u sheegayaa Inaanay Soomaalidu baqan oonay ka cabsan dhimashada iyo ficil dagaalka.
Soomaalidu waa askartii ugu cadcadeyd ee qabatay Burma.

Murtida sheekani waa sidan: Soomaalidu waa dagaaliyahaniin. Dhibtoodu waa marka ay dagaaliyahanimada dib isugu soo noqdaan oy iyagu islaayaan. Labada dagaaliyahaniin ee beelaha walaalaha ah ee arrinka Saylac ku dagaalama ha wada fadhiisteen oo yaanay geesinimadooda dib iskugu la soo noqonin.

WQ: Aqoonyahan Faisal Roble.

Address

Wajaale

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waayo Arag posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category