Maamulka Dowladda hoose ee deegaanka Carmooy

Maamulka Dowladda hoose ee deegaanka Carmooy broadcastong

24/05/2026

انالله وانا اليه راجعون.
اللهم اغفرله وارحمه وعافه واعف عنه وأكرم نزله ووسع مدخله واغسله بالماء والثلج والبرد ونقه من الذنوب والخطايا كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس وأبدله دارخير من داره واهلا خيرا من اهله .
Geeridu waa xaq balse kala xanuun badan waxaa hadda isoo gaartay geerida ina adeerkeyga Cabdicasiis Xaaji Axmed Xumow Iidow Deerow Xaaji Yuusuf ( Macalin Jeeri ) oo ku geeriyooday gudaha deegaanka Carmooy ee duleedka degmada Qoryooley ee G/shabeelaha Hoose .
Dhab ahaantii Wuxuu ahaa shaqsi kaftan badan , baraarujin badan , bashaash ah ,saabir ah ahaana macalin diimeed .
Ina adeer waxa aan kuleeyahay Alle ha kuu naxariisto, qabriga Alle ha kuu waasicyo , kitaabkaaga gacanta midigta Alle ha kaa siiyo . anagana samir iyo iimaan Alle ha ina wada siiyo .
ءامين. ءامين. ءامين

16/05/2026

Hoggaan dhab ah wuxuu dhiirrigeliyaa rajada, wuxuuna qaabeeyaa mustaqbalka.
Hoggaamiye daacad ah wuxuu rajada jiilka dhalinyarada u beddelaa xaqiiqo, Laakiin marka hoggaanku u dhaqaaqo jiho khaldan, mustaqbalka carruurta ayaa halis galaya . Sidaas darteed, hoggaamiye kasta waa inuu si taxaddar leh u fikiraa, sababtoo ah jihada ay maanta doortaan ayaa go’aamin doonta mustaqbalka carruurtooda berrito.

10/05/2026

Deegaanka Carmooy waa deegaan dhaca dhanka koonfureed ee degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna degmada Qoryooley ujiraa qiyaastii 15 KM. Waa deegaan leh muhiimad istiraatiiji ah (“Strategic area”) marka loo eego juqraafi ahaan iyo dhinacyada wax soo saarka.
Deegaanku waxa uu hodan ku yahay:
Wax soo saarka beeraha ,
Xoolaha nool , Ganacsiga iyo isu socodka bulshada .
Sidoo kale waxaa mara webiga Shabelle , taas oo si weyn u kordhisa wax soo saarka beeraha iyo horumarka deegaanka.
Taariikh ahaan, deegaanka waxaa saldhig ciidan ku lahaa dowladdii uu hoggaaminayey Alle ha unaxariistee Mohamed Siyad Barre muddadii u dhexeysay 1972 ilaa 1992. Kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, deegaanka waxaa soo gaaray burbur dhinaca hantida iyo nolosha bulshada ah, taas oo sababtay in dad badan ay ka barakacaan deegaanka si ay u raadsadaan amni iyo nolol wanaagsan.
Mudadii u dhexeysey 1992 ilaa 2009, waxaa deegaanka iyo deegaannada dariska la ah ka dhacay dagaallo iyo colaado hubeysan oo saameyn ku yeeshay shacabka. Si kastaba ha ahaatee, rajada iyo naxariista Alle lagama quusto. Oo hadda deegaanku waxa uu marayaa heer isku filnaasho ah الحمدلله .
Alle SWT wuxuu yiri:
قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِن رَّحمَةِ اللَّه ان الله يغفر ذنوب جميعا انه هو الغفور الرحيم .
[ Qoraa : Prof. Sayid Omar Eno Abdi ]

10/05/2026

Maanta oo ay taariikhdu ku beegneed 10/05/2026 cabaarihii 02:00 pm saac ayaa markale roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa markale ka da'ay gudaha deegaanka Carmooy ee Gobolka shabeelaha hoose . الحمدلله . Sidoo kale roobabka ayaa biyo dhigay gebi ahaanba inta xaafadood ee uu ka kooban yahay deegaanka .ugu dambeyn waxa aan leenahay :
مُطِرْنَا بِفَضْلِ اللَّهِ وَرَحمَتِهِ

08/05/2026

Asc ww .
Kani waa mowduuc ku saabsan faa'idooyinka ay waxbarashada inoo leedahay .
Waxbarashadu waxay leedahay ahmiyad weyn oo nolosha qofka iyo bulshada ah. Qaar ka mid ah muhiimaddeeda waxaa ka mid ah:
Kor u qaadidda aqoonta
Waxbarashadu waxay qofka siisaa cilmi iyo faham uu ku kala saaro sax iyo qalad.
Helidda shaqo iyo nolol wanaagsan
Qof wax bartay wuxuu fursad fiican u helaa shaqo iyo horumar dhaqaale.
Horumarka bulshada
Bulsho waxbaratay waxay noqotaa mid nabad, horumar, iyo wadajir leh.
Ka saaridda jahli iyo saboolnimo
Waxbarashadu waxay dadka ka caawisaa inay iska yareeyaan saboolnimada iyo aqoon darrada.
Dhisidda anshax iyo akhlaaq wanaagsan
Waxbarashadu waxay kobcisaa ixtiraam, edeb, iyo masuuliyad.
Horumarinta dalka
Dhakhaatiir, macallimiin, injineerro, iyo hoggaamiyeyaal wanaagsan waxay ka soo baxaan waxbarashada.
Kobcinta kalsoonida qofka
Qofka wax bartay wuxuu yeeshaa kalsooni iyo awood uu fikradiisa ku cabbiro.
Waxaa la yiraahdaa:
“Waxbarashadu waa iftiinka nolosha.”

07/05/2026

Waxaa maalmihii la soo dhaafay roobab baaxad leh ka da'ay deegaanka Carmooy ee Gobolka shabeelaha hoose الحمدلله Alle waxaan ka baryeynaa inuu kayeelo roobab kheyr qaba .

Address

Qoryooley
616829567CUMAR

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maamulka Dowladda hoose ee deegaanka Carmooy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category