30/12/2025
XIddiga khadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain (PSG), Vitinha, ayaa shaaca ka qaaday labada xiddig ee uu sida weyn ugu deydo, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin ilaha uu ka helo dhiirigelinta ugu weyn.
Iniesta iyo Modric: Halyeeyada uu ku Deydo Vitinha
Xiddigan reer Portugal ayaa u magacaabay halyeeyga kooxda Barcelona, Andres Iniesta, iyo xiddiga ruug-cadaaga ah ee Luka Modric (oo hadda ka tirsan AC Milan) labada ciyaaryahan ee saameynta ugu weyn ku yeeshay qaab ciyaareedkiisa.
“Shaki la’aan, qofka sida ugu weyn ii dhiirigeliyay wuxuu ahaa Iniesta; Andrés wuxuu mar walba ahaa qofka aan ugu jecelahay inaan ku deydo. Ka dibna, dabcan, waxaa ku xiga Luka Modric. Labadaas ayaa mar walba ahaa tusaalaha ugu sarreeya ee aan raaco,” ayuu yiri Vitinha.
Vitinha, oo door muhiim ah ka ciyaaray guushii taariikhiga ahayd ee Sextuple (lixda koob) oo ay PSG ku guuleysatay, ayaa sheegay inuu yahay ciyaaryahan doorbida maamulista xawaaraha ciyaarta iyo inuu kubadda hanto, halkii uu xoogga saari lahaa dhalinta goolasha.
Vitinha ayaa hadda loo arkaa mid ka mid ah matoorada ugu muhiimsan ee khadka dhexe ee kooxda PSG, isagoo muujiyay tayadii uu ka bartay labadii halyeey ee uu tilmaamay.