Najiib naaji

Najiib naaji Najiib Naaji

25/08/2024
25/08/2024
22/03/2022
11/07/2019

Asc f..../f........
Salaan sare all
$Jimco kariim

WAQTIGA IMTIXAANKA LAGALAYO OO LASHEEGAYWasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Dr Cabdiraxmaan Daah...
13/04/2018

WAQTIGA IMTIXAANKA LAGALAYO OO LASHEEGAY
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Dr Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo Khamiistii shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay waqtiga la qabaneyo imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2017/2018.

Wasiirka Waxbarashada waxa uu sheegay in imtixaanka sanadkan ay ka qaybgalayaan 27-kun oo Arday, isagoona tilmaamay in imtixaanka uu ka qabsoomayo dhammaan dowlad-goboleedyada kala duwan iyo gobolka Benaadir.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay iney imtixaanka shahaadiga ah ay qaban doonaan May 12, 2018. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in kharashaadka ku baxaya dhammaan ay bixin doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

May 12, 2018, waa isla waqtigii lagu dhawaaqay in Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland la qabandoono, iyadoo Wasaaradda Waxbarasha XFS ay u muuqato iney go’aanka la qaadatay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo April 1, ku dhawaaqday in May 12 uu noqon doono xilliga Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2017/2018

KHEYRE IYO JAWAARImamaah ayaa waxa ay leedahay ( siyaasado sxb jogta ah malaha ee dan joogto ayee leedahay ) hadii been ...
12/04/2018

KHEYRE IYO JAWAARI
mamaah ayaa waxa ay leedahay ( siyaasado sxb jogta ah malaha ee dan joogto ayee leedahay )
hadii been kula tahay fiiri sawirkaan kaan

GADOOMIYE JAWAARI OO XAQIIJIYAY IN SI RASMI AH IS KAGA CASILAY XILKA GADOOMINIMO EE GOLAHA SHACABKA SOOLAALIYA Gudoomiyi...
09/04/2018

GADOOMIYE JAWAARI OO XAQIIJIYAY IN SI RASMI AH IS KAGA CASILAY XILKA GADOOMINIMO EE GOLAHA SHACABKA SOOLAALIYA
Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay Xilkii uu ka hayay Golaha Shacabka tan iyo 2012-Kii.

Jawaari ayaa Idaacadda Bbbc-da Laanteeda Afka Soomaaliga usheegay iscasilaadiisa, Waxa uu ku sababaeeyay inuu ka hortagay burbur inuu ku yimaado Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya oo aan wax kulan ah yeelan wixii ka danbeeyay 12-Kii Bishii Maarso ee Sanadan.

Gudoomiyihii Golaha Shacabka ayaan faahfaahin buuxda ka bixin, hadii ay Jirtay Cadaadis beesha Caalamka ay saareen iyo Talaabada xigta ee uu qaadayo, Wuxuuse warka ku soo gaabiyay inuu garowsaday inuu iska casilo Xilkii uu ka hayay Baarlamaankan 10-aad.

Jawaari, Waxa uu Sheegay inuu faahfaahin buuxda oo ku saabsan shaqa ka tagistiisa uu ka sheegi doono Kulanka Guud ee Arbacada ay Xaruntooda ku yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Jawaari ayaa dhowr jeer oo h**e beeniyay inuu iska casilayo Xilka, Waloow Saaka Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka C/Wali Sheekh Ibraahim Muudeey uu kaga dhawaaqay kulankii Saaka ee Baarlamaanka inuu Jawaari soo gudbiyay Warqad iscasilaad ah, Isagana uu ka Gudoomay.

Address

Mogadishu

Telephone

+252615404796

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Najiib naaji posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Najiib naaji:

  • Want your establishment to be the top-listed Arts & Entertainment?

Share