Tarrax Yare

Tarrax Yare Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Tarrax Yare, Performance Art Theatre, Mogadishu.

Walaalkeyga iyo Walaasheyda Muslimada ah Ma la socotaa in 30kan qodob Nabi Muxamed csw  Kuu diiday inaadan Mar dambe Sam...
06/10/2025

Walaalkeyga iyo Walaasheyda Muslimada ah Ma la socotaa in 30kan qodob Nabi Muxamed csw Kuu diiday inaadan Mar dambe Sameeynin Marka Laguu Sheego Wixii Ka dambeeyo Waajib tahay in Aad Ka fogaato:

1: Nabi Muxamed Waxaa Uu Kaaga digayaa inaad Raashiin Cunto Adigoo janaabo qabo janaabadas Hakaaga timaado galmo Xalaal ah Oo adiga iyo Zowjadada idiin dhax martay ama Hakaaga timaado gacan Ama Riyo Dhamaan Adigoon Ka qubeysan Ha isku taaban Raashiin
Sababtu Waxeey tahay Waxeey Ku dhaxal siineysaa faqiirtinimo iyo Saboolnimo

2: Waxaa Kale Oo Lagaaga digayaa inaad Ku dul Kaadiso Geed Miro Leh Amaba Aad Wadada Dad Weeynaha Adeegsado Ku dhax kaadiso Waa Akhlaaq Xumo Meeshii Ugu dambeeysay

3: Lama Ogolo inaad bidixdaada Ku Cunto Sido Kale Waxaa ayadane Mamnuuc ah inaad Jiif Ama Sateecsi Wax Ku Cunto iska jir Caafimad ahaan Ma Wanaagsano

4: Dumarka Looma Ogola in ay Janaazada Meydka Raacaan
5: Nabiga Waxaa Uu Kaaga digayaa Sawirada Maxaa yeelay berri Qiyaamaha Waxaa Lagu Oranayaa Ruux Ku afuuf inteed Ruux Ka keeni

6: Waxaa La Ogoleen in Ruux Dab lagu gubo ilaa Uu Ka dhinto Ha ahaado Beni Aadam Ama Xayawaan Labadaba Lama Ogolo

7: Waxaa Uu Kalo Ka digay Nabiga in Diinta La Caayo Allah Wax Laga sheego Ama Nabiga Ama guud ahaan Diinta islamka

8: Waxaa Laguu diiday inaad Ku Cawo Barido Meelaha Qashinka lagu daadiyo Maxaa yeelay Waa Goob ay Shayaadiintu Ku Caweeyaan

9: Waxaan La Ogoleen Gabadha Muslimada Xaaska ah ineeysan Ka bixin gurigeed ayadoon Ka idin qaadan Zowjkeeda Haddii ay baxdo Fasax la' aan Waxaa lacnad Ku riday makhluuq samada Saaran iyo Waxa Makhluuq dhulka saaran Xitaa geedaha iyo jinka ayaa lacnaday ilaa ay guriga Ku laabato

10: Gabadha Xaaska ah Lama Ogolo in ay isku qurxiso Waxaan Ninkeeda aheeyn Kaliya Asiga ayeey isku Qurxin Kartaa

11: Waxaa Kale Uu Nabiga Kaa reebayaa inaad Dadka Kale Xamato Ama Qof La Xamanaya dhageysato

12: Waxaa Kale Oo laguu Ogoleen inaad Dadka isku dirto Ama dhageysato " لا يدخل الحنة النمام"

13: Weelasha Ka Sameysan Dahabka iyo Qalinka Nabiga Waa diiday in Wax lagu Cuno ama lagu Cabo

14: Waxaa Kale Oo Rasuulka diiday khamrada in la cabo la iibiyo la beero laga ganacsado qofka khamrada ballan iyo marqaati ma galo

15: Waxaa Sido kale lacnad dusha looga tuuray Kuwa Ribada cuna Marqaati beenaa lah

16: Waxaa Kale Uu Rasuulka csw diiday in Xayawaanada Wajiga laga garaaco

17: Waxaa Kale Uu Nabiga diiday Qofka muslimka ah in Uu fiiriyo walaalkiisa kale Cowradiis

18: Gabadha muslimada ah ma banaano in ay daawato cowrada Walaasheed kale Ee muslimada ah

19: Lama Ogolo inaad afuuftid Raashiinka Ku hor yaallo Ama biyo Wax Kaaga dhaceen Kaliya Sug inta raashiinka Kaaga qaboobo Ama Biyaha iska saar Waxa Kaaga dhacay
Mar Ha Afuufin goobta Aad Sujuuda dhigeysid Markaad Salaada Ku jirtid.

20: Waxaa la diiday in Qofka Ku dukado Xerada geela Kacbad Korkeed jidadka Waayen iyo Waadiyaasha biyo mareenka ah

21: Nabiga ma Ogoleen in shinnada la dilo
22: Waxaa Mamnuuc ah in Allah Wax aan aheeyn lagu dhaarto Ma banaano inaad Ku dhaarato Hooyada ama Aabahaa
وقال: " من حلف بغير الله فليس من الله في شيء."

23: Waxaa aydane Xaaram ah in La Hadlo Maalinta Jimcada ayado Khudbada Imaamka Socoto Qofka Ku dhax hadlo Maalintaa jimco Uma jirto.

24: Lama Ogolo in Salaad La dukado Marka Qorraxda Soo baxeyso ilaa ay ka soo Kor noqoto Waran Cabirkiisa in la eg.

25: Waxaa Kale uu Nabiga Diiday in Lix maalmood La soomo Waxaa Ka mid ah Maalinta Ciida fidriga , Maalinta Shaki Ka jiro dhalashada bisha , Maalinta Ciida Al-Adhxa iyo Sadaxda Maalin Ee Loo yaqaano
' ayaamu tashriiq "

26 Lama Ogolo in Xusulada Wax Lagu Cabo Waxaa Ka Fiican Inaad Labadaada gacmood Wax Ku Cunto Haddaad Awood U leedahay.

27: Waxa Kale Oo banaaneyn inaad Ruux Shaqaaleysiiso Adigoon U sheegin Waxa Uu Ku shaqeeynay Qarash ahaan

28: Waxaa Kale Oo Nabiga diiday Ragga in ay Saraawiishood Dhaafiyaan Canqawga hoostiisa Waxaa Ku soo aroortay Waciid Shadiid ah

29: Nabiga Waxaa Kale Uu lacnaday Ragga Dumarka isku Shabaha iyo Dumarka Ragga isku Shabaha Sido kale lama Ogolo inaad iataag biyo Ku Cabto Ama Ku dhex Neefsato Koobka biyaha Ku Cabeysid.

30: Ugu dambeeyn Nabiga Waxaa Uu Diiday in Ma'muumiinta Imaamka Gadaashiisa istaagan aygoo taagan imaamkiina fadhiyo.
وصدق الرسول الكريم حينا قال: { بلغو عنى ولو اية } :
Waan Ku Soo gaarsii Adigane gaarsii Walaalahaa Kale Ajar Aan Ka dhamaan doonin ilaa Markaad Dhimato ka dib Kuu Soconaya.
Markad dhameyso aqriska Allah Ka bari in Uu Calaamo Kulul Oo dag dag ah Ka Soo Muujiyo Kuwa Nabiga Aflagaadeeyo Ee gaalada ah.

11/08/2025

How many world cup does your country have?

1998Marwalba waxaan is waydiin jiray waxa dhici kara haddii maalin uun aad ku baraarugtid in waxwalba oo noloshaan ka dh...
11/07/2025

1998

Marwalba waxaan is waydiin jiray waxa dhici kara haddii maalin uun aad ku baraarugtid in waxwalba oo noloshaan ka dhex dhacay ay riyo ahaayeen, kawarran haddii gacan qabow badan ay dhinaca kaa taabato si ay hurdadaan kaaga kiciso markii ugu horraysay seexashadaada kaddib!

Waan toosaynnaa labadeennuba, sannadku ma aha 1998, aniguna majiro 19 mardambe. Ima waydiinaysid su’aalo sayniska ku saabsan iyo sababta uu ku dhacay dagaalkii koobaad ee adduunku kaliya si aad iigu muujiso inaad ogtahay intayda ka badan. Iguma qosli doontid marwalba oo aan kuu sheego goortii aan fasalka koobaad fariistay oo ku beegnayd markii aad isku diyaarinaysay imtixaankii fasalka 12aad ee dhammaadka dugsiga.

Waynu toosnay sheekadeennuna ma billaabanayso innaga oo aan islahayn. Sannadku ma aha 1998, rajadayda ugu waynna ma noqonayso in baabuur igu dhufto ama aan si kale shil xasuusta iga qaada ku galo keliya si aan u illaawo inaynu kulannay.

Marwalba waxaad I dhihi jirtay waad dhammaystirantahay, anigu waan iskula yaabaa inaan kuu arki jiray inaad dhammays tahay sababtoo ah waxaan aaminsahay in dhammaystirnaantu waaritaan leedahay. Qabyo ayaynu ahayn runtii… qabyo qurux badan.

Markan waa nolol kale, hal wax baa isku xidhaya labada nololood; inaynu isku dookh nahay, waxaynu hubnaa haddii aynu boqol nololood oo kala duwan ku kulanno inaynu wada jecelnahay; dharka madow, music-ga Buugta iyo caalamka Filimada.

Markan, dunidu waa cidlo miidhan. Majirto wax aan codka shimbiraha iyo guuxa geedaha ruxmaya ahayn oo sheekadeenna ka garab soconayaa. Labadeenna oo keli ah weeye, cidna ma noola, duni kalena majirto. Hadda waxa keli ah ee aan ka masayraa waa cuntada iyo rumayga dibnahaaga iiga dhowaanta badan, dharka aad xirato iyo biyaha aad ku qubeesato. Aad bay ii dhibtaa markaan xaqiiqsado inaanan lahayn awoodda aan maqaarkaaga uga mid noqon karo. Ma doonayo noloshaan inay cid kale iiga kaa dhowaato waayo, sannadku ma aha 1998!

Markii ugu horraysay ayaynu si nabad ah kuwada dhagaysanaynaa hees aynu jecelnahay, degdeg majiro, K**a baqayo in hooyo i canaanato haddii aan guriga ka raago, adigana cidi kuma sugayso. Dhammaan warqadihii jaceylka ahaa ee aan kuusoo qoray waa ay lumeen laakiin, waxa keli ah ee aan hubo waa inaanan dhammaantood boostada soo dhigin oo aan qaarkood sanduuqayga ku kaydiyay. Farriimo badan oo aanan dirin iyo jaceyl badan oo aanan muujinin ayaynu noloshaan ku wadaagaynaa.

Halkan, waxaynu ku joognaa odhaahdii ahayd ‘Nin qoyani biyo iskama dhowro’ waxaynu u dhaqmaynaa sida inaysan jirin nolol kale oo aynu jaceylkaan isku tusno.

Halkani waa jannada, aan dhaho jannadeenna sababtoo ah ma hubo inaynu dad badan oo sannadkaas joogay iyo innagu isku janno gali karno. Tiix yar oo qabow jidhka ehlu jannahana aan waxba yeelaynin ayaynu ku dhex lugaynaynaa, waxaa noo shidan Alicia Keys heesteedii no one:

“I just want you close
Where you can stay forever

You can be sure
You and me together
Through the days and nights

I don’t worry because
Everything is gonna be alright”

Waxwalba oo jannadaan bannaankeeda ka dhacay waxay ahaayeen riyooyin xunxun, waynu toosnay dhammaantoodna way tirmeen. Waynu is jecelnahay jaceyl aan wax reebasho lahayn.

Halkani waa Jannada!

Address

Mogadishu
00000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tarrax Yare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share