Abwaan kulmiye

Abwaan kulmiye Waxaan ahay hal-abuure oo jecel midnimada umadda soomaaliyeed.

Buurtan magacee u taqaan?
11/10/2025

Buurtan magacee u taqaan?

30/09/2025

Gabaygii bilicda dooy Abwaan kulmiye



Saaf News
Cabdi Fatax M Sugow

21/09/2025

Tada gabayga waa taan ka tagay taada iyo wowga
Tixdeeda baa la ogaa inaan taajir ku ahaaye
Tiigsadow maqal tuduca adaan kuu tabinayaaye
Tobaneeyo jeer baan idhiye toogashada daaye

Tawakal ilaahay asaa turuqa maamula e
Oo keligiisa tuug markaad talaba weydaaye
Haw tagin nimaan kuu tareen kumi iyo taane
Tolkaadan ogeyn inaad tacabbirku aadaaye
Taylan iyo kuwa doonin inaad taa'ib noqotaaye
Oo tagagsiga ku jirto dooniyo nolol taagdarane
Tusmooyinaan jiriniyo haddii laguu tusaaleeyey
Taageero badaniyo haddii laguu tilmaamaayo
Taakulaynta gaalkiyo hadday kuu daliil tahaye
Tusmeyso taariikhdiyo kuwa taambuuggu heline

Tanaad iyo haddaad doonayso taajir maal badane
Ama tayse nololeed iyo inaad tamashle aadaaye
Tacabkaaga beero inataad tagoogo leedahaye
Tab iyo baro taawiisha adaa taajirkaa noqone
Intaa waa talo iyo waxaan kuu tilmaamaayey
Tu kale intaan u gudub haddaan tuulka yara aado
Ee u toog haay tuduca adaa xaajadaa tabane.

Kol hadday ku tidhi niyaddu kaalay soo tumo e
Oo tolkaaga kula ogayn inaad taako soconayso
Tiisigaaga kula weyn oo tookalaan aragahayn

Socdaal tankaaga ahayn aad ciidda tumayaysto
Oo qaadi kari hayn tallaabada oofka maad tebine
Sidii toddobaantan jira baa tiigsigaa wadane
Taayimkaa lumiyey saxaraha liibya kuu tagane

Midaan tolkaaga garan wixii doolar kuu tumaba
Tuuggii cawaandiga wixii talis ku geeyaaba
Tagoogaha intuu kaa xidho wixii taarad kuu sugaba
Oo tiimkiisa kula tago wixii lagu tokooraaba
Nimaan tabarba kuu hayn wixii tala ku siiyaaba
Tagtaye maxay kuu tari aan lagu tawaawayne
Tollayeey iyo haddaad tiraa tabar laguu hayne
Haw tagin shisheeyaha haddaan talo ku moogayne.

Abwaan kulmiye ✍️✍️✍️✍️

04/06/2025

Ciid wanaagsan, caawa waa 9ka dul xijja ee barri tahay maalinta caarafa yay ku dhaafin soonka sunnada.

04/05/2025

Lashaan gabay

02/05/2025

Simaney

30/04/2025

Calankeenow xiddiga dhexda caddaanka lahaayow

16/04/2025

Allow sahal amuurahanaga wayna sugayaane

08/03/2025

Caalamki wada liicay gabay

10/02/2025

Dhaanto No music Abwaan kulmiye

07/02/2025

Suratu taha

28/01/2025

Allaahayow bisha Barakaysan ee ramadaan nabad inagu gaarsii inagoo caafimaad qabna, aamiinta soo qor.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan kulmiye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category