Abwaan Hadal-wanaajiye

Abwaan Hadal-wanaajiye Kuso dhawaaw page-keyga Follow dheh bogeyga rasmiga ah

11/05/2026
14/10/2025

Follow dheh barteyda facebook

25/09/2025

Fiinyahay adaa olalayoo, oohin ciirsadaye

Haddii an laguu iman waad, aamusi lahayde

Maxaad aragtay waan kula qabaa, uur kutaalada’e? !

Waxay tiri Ilaahay haddaad, aad u garanayso

Oo ad Islaam tahay iddaa, waan irdhays nahaye

Waxan idhi qofkii abhiyaa, wuu ammaan heliye

Ashahaadada iyo waan aqaan, aayaddii Nabiye

Ha yeeshee Ilmada kaa dhacdiyo, umalka guudkaaga

Inyar iiga sheeg waxan rabaa, in aan ogaadaaye

Waxay tidhi inkaar buu ku go’ay, odaygii Soomaale

Awlaadii uu dhalayna waa, sida adoogeede

Haday ul iyo diirkeed yihiin, Rag iska eegaaya

Afrikada ma joogeen nimaan, Aabe lahayne

Ayax kuma dhaleen kaymihii, Ubaxa weynaaye

Anna aydi aan joogi jiray, K**a Abraareene

Waxan idhi irdii nalaga qaad, aan lahaan jiraye

Waa taa lakala iibsadaan, nala ogaysiine

Oodaaba laga gooynayaa, Idhankii laasoode

Meeshaad ilmaha dhigi lahayd, uun kalaa degaye

Waxay tidhi duulyahow eheladaa, malaha iimaane

Ilaaleeyay oo dunida waa, ugu il liitaane

Iyagaaba Ableyda isku sita, Eebo xoog badane

Intay ayro kala qaadayaan, aarsan maayaane

Waxan idhi nin tiisaba anfacay, agab haddaad mooddo

Umal iyo gaajo adoo qaba, oo col ku eryaayo

Haddaad aqalka ugu soo gashood, magan kusoo aaddo

Ulbuu kaaga reebaa ruuxii, kaa itaal badane

Haku oomin doqon kaama rido, Aar kusii sida’e

Waxay tidhi Or beena baad waddaa, Ina Xuseenoow’e

Ugaas iyo qabiilnimo kuwii, Ubax ku faanaayay

Abtirsiinadoodii kuwii, laga alhuumeeyay

Waataa albabkii la yimid, agabtu noo tiile

Miyaan maanta aafaadka dhacay, amarkan loo sheegin?

Waxan idhi Ilaaqbay hayaan, Edebna lays waaye

Afkuunbay ka tookhaan sidii, Ooryahoo kale’e

Bootada awaaraha hadii ad, asali moodaysid

Adduunbaa awaaraha ku lumi, oo indha cadayne

Waxan tidhi Ilaahay hadduu qoon, arrin u diido

Oo Ibleys gebi ka rido, sooma ururaane

Qalbigii engagay waanaduu, orod ku dhaafaaye

Goormay inkartani heshayee, lagu asqeeyay

Waxa idhi arbiyo laguma oga, geesi aynaba e

Iniinaha kelyahay iyo wadnahaa, iini kaga taale

Aanada tolkood bawga uga roon, uumiyaha kala e

Maxaan ararta kaga daalayaa, edeg lanoo oodye.
Abwaan Cali Xuseen Xirsi (Makaadse)

Address

Mogadishu. Banaandir Hodan
Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan Hadal-wanaajiye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category