Gaduudo dhunti online

Gaduudo dhunti online Pagekan like and share halagu sameeyo waxad ka heli doontaan waxyaabo idin xiisa galiyo oo taxane ah

23/08/2026

Hubka wuxuu gacanta u galay wax ma garatadii bal eeg masuuliyad daradaan.

Safaaradaha iyo Mas’uuliyadda Matalaadda QarankaMarka safaaradaha loo diro dad aan lahayn aqoon, tababar iyo faham ku fi...
21/08/2026

Safaaradaha iyo Mas’uuliyadda Matalaadda Qaranka

Marka safaaradaha loo diro dad aan lahayn aqoon, tababar iyo faham ku filan oo ku saabsan diblomaasiyadda, iyadoo mudnaanta la siinayo xiriir siyaasadeed ama shaqsiyeed, lama filan karo in ay fagaaraha caalamka ku matalaan qiyamka, sharafta iyo danaha qaranka.

Labada dhacdo ee dhowaan soo shaac baxay waxay muujinayaan dhibaato ka weyn khaladka shaqsiyeed. Safaaraddu ma aha hanti gaar ah oo qof leeyahay, xitaa haddii qofka mas’uulka ahi bixiyo kirada ama kharashaad kale. Marka uu qofku ku shaqeynayo magaca Soomaaliya iyo magaca safaaradda, masuuliyadda iyo sumcadda uu wato waxay si toos ah ugu xiran yihiin qaranka iyo shacabka uu matalayo.

Sidoo kale, in sir ama dhacdo ka dhacday goob diblomaasiyadeed si aan masuuliyad lahayn loo duubo loona faafiyo baraha bulshada waxay dhaawacaysaa kalsoonida iyo asturnaanta looga baahan yahay xiriirka caalamiga ah. Diblomaasiyadda waxaa saldhig u ah xushmad, qarsoodi, anshax iyo ilaalinta magaca dalka.

Arrintu ma aha in khalad kasta la qariyo, balse waa in khaladaadka lagu wajaho nidaam, isla xisaabtan iyo hab diblomaasiyadeed oo sax ah. Labada dhinacba waxaa ka muuqda masuuliyad darro u baahan in si dhab ah loo baaro.

Sidaas darteed, dowladda waa in ay dib u eegis ku sameyso habka dadka loogu magacaabo safaaradaha, iyadoo mudnaanta la siinayo aqoon, khibrad, karti diblomaasiyadeed iyo daacadnimo qaran, halkii laga eegi lahaa cidda siyaasadda taqaan ama cidda ay isku dhow yihiin.

Qaranku wuxuu heli karaa matalaad wanaagsan marka uu doorto dad u qalma matalaaddaas. Safaaraduhu waa wajiga Soomaaliya ee caalamka, mana aha meel lagu tijaabiyo shaqsiyaad aan diyaar u ahayn masuuliyadda culus ee ay xambaarsan yihiin.

Qunsulka maxaa ku kallifay inuu codka duubo?Isagoo safar ugu jira waddan kale, maxaa keenay inuu yiraahdo “lacag ma hays...
21/08/2026

Qunsulka maxaa ku kallifay inuu codka duubo?

Isagoo safar ugu jira waddan kale, maxaa keenay inuu yiraahdo “lacag ma haysto, boorsada meel ii dhig”? Card Bank xitaa ma haysto miyaa?

Markuu leeyahay “darbiga ayaan ka soo boodaa”, maxuu uga jeedaa?

Safiirku maxuu ugu diiday inuu guriga yimaado? Guriga ma isaga ayaa iska leh, mise waa guri safaarad ahaan loo isticmaalo oo isaga ayaa kirada bixiya?

Markuu leeyahay “guri kirayso oo calan ku dhegso”, maxay hadalkaasi dhab ahaan uga dhigan tahay?

Markuu leeyahay “h**e ayaan kuugu sheegay, isku tasho ayaan ku iri”, maxuu Qunsulku uga baaraan-degi waayay arrintaas?

Labadan nin markii h**e saaxiibo ma ahaayeen, mise h**e ayay u dhexeysay xurguf ama khilaaf?

Inta aan labada nin midkoodna la kala xukumin, waxaan u baahan nahay in xog badan laga helo, dhacdadana dhinac kasta laga dhageysto. Haddii kale, waxaa fududaan karta inaan hal qof h**e u xukumin, ama arrintu isu beddesho in qabiil walba ninkiisa difaacdo.

21/08/2026

Camaremanka duubay aawi yaxaaska miyuu saaran yahay?

19/08/2026

Reer Baydhabo dagaalla.maxaa laga siiyaa waa iyaga maalinkasta oo dagaal dhaca isa soo bax sameynaye
Ma geesinimaa mise doqonnimo?

“Hana ceebeyn, ha hadlin, aamus, duruufta qoyska ha sheegin ayay igu leeyihiin, laakiin aniga iyo wiilkaygaba duruuftu w...
18/08/2026

“Hana ceebeyn, ha hadlin, aamus, duruufta qoyska ha sheegin ayay igu leeyihiin, laakiin aniga iyo wiilkaygaba duruuftu way naga muuqataa, ismana qariso.”

Waa hadal murugo iyo farxad isku sidkan oo kasoo baxay Hooyo Safiya Macallin, hooyada dhashay wiilkii kaalinta 1-aad ka galay imtixaanka Qaranka.

Maanta dad badan waxay arkeen guusha wiilkeeda, balse gadaasha guushaas waxaa ku qarsoon nolol adag oo aan indhaha bulshada horay uga muuqan.

Hooyo Safiya waxay sheegtay inay ku nool yihiin guri burbursan oo marka roobku da’o biyuhu kasoo galaan. Habeenkiina kaneecada darteed aysan si wanaagsan u seexan karin. Waxay doonaysay inay bulshada tusiso xaaladda dhabta ah ee gurigooda, balse waxay sheegtay in qaar ka mid ah ehelkeedu ka hor istaageen.

“Waxay rabaan inaan duruufteyda qarsado, iyaguna waxba ima taraan,” ayay tiri.

Xitaa wareysigan waxay sheegtay inay si qarsoodi ah kusoo baxday si ay codkeeda iyo xaaladda qoyskeeda bulshada ula wadaagto.

Dhibaatadu intaas kuma eka. Waxay sheegtay inay jirto gabar yar oo qoyska ka tirsan oo ku dhacday imtixaanka dowladda, natiijadiina si weyn uga murugootay, xaaladdeeda nafsi ahaaneedna ay saamaysay, qoyskuna hadda garab taagan yahay.

Sheekada qoyskan waxay xambaarsan tahay laba xaaladood oo aad u kala duwan. Hal dhinac waxaa jooga wiil duruufo adag dhexdeeda kaalinta koowaad ka galay imtixaanka Qaranka, dhinaca kalena waxaa jooga hooyo la tacaalaysa hoy aan wanaagsanayn iyo culaysyo qoys.

Guusha wiilkeedu waxay ina xusuusinaysaa in mararka qaar ardayga ugu sarreeya uusan kasoo bixin guriga ugu raaxada badan, balse uu kasoo bixi karo guri roobku kasoo da’o, iyadoo hooyadiis ay maalin kasta la halgameyso duruufaha nolosha.

Hooyo Safiya maanta ma dalbanayso in duruufteeda la qariyo. Waxay doonaysaa in codkeeda la maqlo

Deg-Deg: Wasiirkii h**e ee Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Joon, ayaa weerar afka ah ku qaaday Xasan Eeley oo Fed...
18/08/2026

Deg-Deg: Wasiirkii h**e ee Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Joon, ayaa weerar afka ah ku qaaday Xasan Eeley oo Federaalka Wasiir ka ah.

“Wasiiro Federaal ah ayaa waxaan arkayay iyagoo isku maleeya inay yihiin Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Taliyayaasha Ciidanka,” ayuu yiri Wasiir Joon, waraysi uu siiyey TV Nation.

“Walaalayaalow, Federaalka ayaad wasiir ka tihiin oo State-ka Koonfur Galbeed ku matashaan. Wasiirrada kale maxay u hadli waayeen, oo aad maalin walba idaacadaha la taagan tihiin? Waxa ay yihiin ma naqaano,” ayuu ku daray Wasiir Joon.

Eeley ayaa Baydhabo si degdeg ah ku yimid kadib dagaalkii Baydhabo, kaas oo waaberigii h**e ee saaka ka dhacay.

Aragtidaada 👇

18/08/2026

Baydhabo: Nolosha Wiilasha Ha Ka Qiimo Badnaato Colaadda

Saddex taliye oo kala ahaa Taliyihii Guutada 9-aad, Taliyihii Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliye Ku-xigeenkii Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa dhammaantood ku geeriyooday magaalada Baydhabo, iyadoo taliyihii ugu dambeeyey uu maanta geeriyooday.

Dhamaantood waxay kasoo jeedeen bulshada Raxanweyn. Waxaase murugo ka sii weyn in dadka maalin kasta ku dhimanaya ama ku dhaawacmaya colaadaha Baydhabo ay inta badan yihiin isla bulshada Raxanweyn.

Baydhabo waa magaalo ay Raxanweyn leeyihiin, sidaas darteed waxaa mas'uuliyad gaar ah ka saaran odayaasha, waxgaradka, culimada, siyaasiyiinta iyo dhammaan dadka masuuliyadda leh inay ka shaqeeyaan joojinta colaadaha soo noqnoqday.

Su'aashu waxay tahay: Goorma ayaa la kala celinayaa wiilasha la isku dhamaynayo?

Dagaal aan xal muuqda laga gaarayn, oo maalin kasta sababa dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur, ma mudna in lagu waayo naf Soomaaliyeed.

Raxanweynow, nolosha wiilashiinnu ha ka qiimo badnaato colaadda. Odayaasha iyo waxgaradku ha qaataan kaalintooda, dhinacyaduna ha kala degaan, wada-hadalkana ha noqdo waddada lagu xallinayo khilaafka.

Baydhabo nabad ayay u baahan tahay, wiilashuna waxay u baahan yihiin nolol iyo mustaqbal, ee ma aha dagaal aan dhammaad lahayn.

(Kuwa dhintay oo keliya ayaa isha ka soo qaaday dhammaadka dagaalka!)

Allah u naxriisto waxaa goordhow geeridiisa i soo gaartay Maxamed cumar reer Daafeet u yaqaan ( Mayow Geedow ) Dadka ree...
18/08/2026

Allah u naxriisto waxaa goordhow geeridiisa i soo gaartay Maxamed cumar reer Daafeet u yaqaan ( Mayow Geedow ) Dadka reer baydhabo u yaqaanaan Ustaad walaweyn.

Maxamed waxaa uu kamid ahaa dadkii maanta ku dhaawacmay dagaalkii qaraaraa Baydhaba ka dhacay.

Isbitaalka guud Baydhaba oo la geeyey waxa ay sheegeen in aysan xaalkiisa wax ka qaban karin oo koomo galay kadib markii xabad madax ugu dhacday.

Waxaan markii dambe diyaarad loogu qaaday Baydhaba oo galabta la geeyey isbitaalka guud ee Xoogga dalka ee Muqdishu oo goordhow ku geeriyooday.

Tirada guud ee beesha Hubeer ugu geeriyooday dagaalka maanta waa 3 ruux oo laba kamid ah caawa fiidkii aan Baydhaba ku aasnay, waxaana dhaawac ah hal askari asna Allah caafiyo kuwii dhintay Allah u naxriisto.

Guud ahaan intii ku dhaawacantay Allah caafiyo inta dhimatay Allah u naxriisto.

Address

24 Street
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252682374004

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gaduudo dhunti online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share