Midowga dhalinyarada Beesha Maxamed Awbakar

Midowga dhalinyarada Beesha Maxamed Awbakar Bogga rasmiga ah ee Midowga Dhalinyarada Beesha Maxamed Awbakar.

Waxaan u taagan yahay Midnimo,Wadajir ,Iskaashi iyo dhamaan danaha Guud ee Beesha maxamed Awbakar.
-sidoo kale wuxuu la socon doonaa Beelweynta Cowrmale iyo Guud ahaan siyaasada somaliya.

Taliyaha Ciidanka Suudaan oo Ballanqaaday Inuu RSF Ka Adkaanayo Kahor Dhammaadka SannadkaTaliyaha Ciidamada Suudaan, Yas...
05/08/2026

Taliyaha Ciidanka Suudaan oo Ballanqaaday Inuu RSF Ka Adkaanayo Kahor Dhammaadka Sannadka

Taliyaha Ciidamada Suudaan, Yasser al-Atta, ayaa sheegay in ciidanka dowladda uu horumar ka sameynayo dhammaan jiidaha dagaalka, isla markaana uu qorshuhu yahay in ciidamada RSF laga adkaado ka hor dhammaadka sannadkan.

Hadalka Al-Atta ayaa yimid kaddib markii ciidanka Suudaan iyo xulafadiisu ay la wareegeen deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobolka Waqooyiga Kordofan.

Dagaalka Suudaan oo billowday Abriil 2023 ayaa sababay dhimashada tobannaan kun oo qof iyo barakaca ku dhowaad 13 milyan oo qof.

Dalka uganda ayaa shaaciyey inuu utartamo Xoghaayaha guud ee Qaramada midoobe.Maanta, Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe, Ma...
05/08/2026

Dalka uganda ayaa shaaciyey inuu utartamo Xoghaayaha guud ee Qaramada midoobe.

Maanta, Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa kulan la yeeshay safiirrada matalaya dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Intii uu kulanku socday, Madaxweyne Museveni ayaa si rasmi ah u soo bandhigay Safiir Olara Otunnu oo Uganda u sharraxan xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Baarlamaanka Isra,iil  iyo dadkiisa oo ka hijroonayo dalkiisa.Baarlamaanka Israa’iil ayaa billaabay inuu ka digayo koror...
03/08/2026

Baarlamaanka Isra,iil iyo dadkiisa oo ka hijroonayo dalkiisa.

Baarlamaanka Israa’iil ayaa billaabay inuu ka digayo kororka tirada Israa’iiliyiinta ka haajiraya dalka, kuwaas oo tiradoodu gaartay ku dhowaad 270,000 qof tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2023.

Sida warbixinta lagu sheegay, sannadkii 2025 oo keliya waxaa Israa’iil ka haajiray in ka badan 90,000 oo Israa’iiliyiin ah, halka tobannaan kun oo kale ay bil kasta dalka ka baxayaan.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay tiradii ugu badnayd ee Israa’iiliyiin ah ee dalka ka haajirta muddooyinkii u dambeeyay, sida lagu xusay warbixin ka soo baxday Xafiiska Tirakoobka Israa’iil, oo uu baahiyay .

wargeyska Jerusalem Post.

Maraykanka oo walaac ka muujiyey weerarrada internet-ka ee lala xiriirinayo Iran.Khatar sii kordheysa oo ka dhalaneysa w...
03/08/2026

Maraykanka oo walaac ka muujiyey weerarrada internet-ka ee lala xiriirinayo Iran.

Khatar sii kordheysa oo ka dhalaneysa weerarrada internet-ka ayaa lagu bartilmaameedsanayaa nidaamyada biyaha la cabo ee dalka Maraykanka.

Saraakiisha federaalka ayaa sheegay in kooxo jabsadayaal ah oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin Iran ay weerarro ku qaadeen nidaamyada biyaha ee ugu yaraan toddobo gobol. Weerarradan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga kaabayaasha muhiimka ah ee Maraykanka iyo halista ay weerarrada internet-ku ku yeelan karaan amniga qaranka.

Wargeyska The National Desk.

6 go'aan halis oo uu ka shaqeeyey Ronny jackson!Ronny Jackson wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay ee curisay, ilaa golaha ...
03/08/2026

6 go'aan halis oo uu ka shaqeeyey Ronny jackson!

Ronny Jackson wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay ee curisay, ilaa golaha Congores-ka ilaa Trump ku qancisay oo meelmar ka dhigtay go`aano waa weyn oo Soomaaliya saameyn ku yeeshay, si gaar ah.

1- In la hakiyo dhammaan kaalmada USAID, midda laba-geesoodka ah (bilateral) iyo tan dhinacyada badan leh (multilateral) ee la siiyo Dowladda Soomaaliya.

2- In shuruudo adag lagu xiro haddii la bixinayo kaalmo, si loo hubiyo in deeqahaas aan la lunsan ama aanay ka faa'iideysan kooxaha argagixisada ah.

3- In xayiraad dhanka dal-ku-galka ah (Visa restrictions) la saaro mas'uuliyiinta Soomaalida ee ku lug yeesha musuqmaasuqa ama lunsiga deeqaha ama kasoo horjeeda danaha Mareykanka.

4- In cunaqabateyn dheeraad ah la saaro, iyadoo Madaxweynaha awood loo siiyey cid ama shakhsi kasta oo kala shaqeeya Dowladda Soomaaliya, si ay u weeciyaan ama u musuqmaasuqaan dhaqaalaha Mareykanka ee loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed.

5- In Siyaasadda mudanta Mareykanka "American First" la hormariyo oo danaha USA meeshii ay galaan xooga la saaro, halkii taageero hal dhinac ah la heyn lahaa.

6- In Abaalmarin lacageed oo dhan $250,000 lasiiyo cid kasta oo keenta xog sahlaysa in la aqoonsado shakhsiyaadka lunsaday ama khiyaameeyay gargaarka Dowladda Mareykanka, ama xog horseedaysa in dib loo soo celiyo hantidaas.

Trump ayaa hadal jees jees ah iyo hanjabaad iskugu jira ayaa yiri:“Laba-wajiilenimo aad u weyn ayaa ka muuqata hoggaanka...
03/08/2026

Trump ayaa hadal jees jees ah iyo hanjabaad iskugu jira ayaa yiri:

“Laba-wajiilenimo aad u weyn ayaa ka muuqata hoggaanka Iiraan!Waxay codsanayaan kulan, xitaa qaar ayaa dhihi kara way ka baryayaan arrintaas.
Wadahadalladu dhab ahaantii way bilaabmeen, waxaana la qorsheeyay in kulamo kale ay dhowaan dhacaan.

Laakiin ka dib waxay si kibir iyo geesinimo aan munaasib ahayn u sheegtaan in aysan jirin wax wada-hadallo ah oo dhacay, in aysan waxba ka wada hadlin, ayna kaliya la macaamilayaan Cumaan.

Kadibna waxay mar kale ku celceliyaan hadalladoodii h**e, iyagoo sheeganaya in ay si awood leh gacanta ugu hayaan Marin-biyoodka Hormuz.

Halka marin-biyoodkaasi hadda uu si buuxda ugu jiro gacanta Ciidanka Badda Mareykanka iyo go’doomintayada, ama sida qaar ugu yeeraan darbiga birta ah ee Mareykanka.

Waxba uma gudbi doonaan Iiraan haddii aan annagu oggolaan, waxna ma mari doonaan ilaa heshiis laga gaaro ama la helo is-dhiibid buuxda.

Haddii Iiraan ay rabto inay qirato arrintaas iyo haddii kaleba, annagu dhab ahaantii waxaan wadnaa wada-hadallo lagu doonayo in xal loogu helo dhibaato ay iyagu abuureen tobannaan sano ka hor.

"Iian ha ogaato weligeed ma yeelan doonto Nuclinear."

03/08/2026

Kulamo is daba joog ah oo looga Tashanaayey Danaha iyo Aayaha Mustaqbal
Midowga dhalinyarada Beesha Maxamed Awbakar oo muddo ka dhacaayey Magaalada Muqdisho

03/08/2026

Mid kamid kulmada Bilaha ah ee
Midowga dhalinyarada Beesha Maxamed Awbakar kasoo Magaalada Muqdisho ka Qabsoomay.

DEGDEG: Iran ayaa weerarro ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Bariga Dhexe, xilli Madaxweynaha Mar...
03/08/2026

DEGDEG: Iran ayaa weerarro ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Bariga Dhexe, xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Aqalka Cad kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Weerarradan ayaa sii kordhiyay xiisadda gobolka, iyadoo labada hoggaamiye ay ka wada hadlayeen xaaladda amni ee Iran iyo Bariga Dhexe

Wasiirka Maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich ayaa waraysi uu maanta bixiyay, wuxuu soo jeeday in Israa’iiliyiin lagu ...
03/08/2026

Wasiirka Maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich ayaa waraysi uu maanta bixiyay, wuxuu soo jeeday in Israa’iiliyiin lagu beero gudaha Qasa oo halkaa lagu deegaameeyo ,meeshana laga saaro lahaanshaha dhul ee Falastiiniyiinta.

Isagoo arrintan ka hadlaya wuxuu yiri;

"Aniga ahaan, guul dhab ah waxay ka dhigan tahay in laga dhiso degsiimooyin Israa’iili ah gudaha marinka Qasa.Waa in la helaa ciqaab ama cawaaqib loo baahan yahay in la bixiyo oo la xiriira khaladkii dhacay iyo jabkii ay cadowgeenna na gaarsiiyeen.”

Wuxuu intaa ku daray;

“Qofkii geystay weerarkii ugu xumaa ee nagu dhacay tan iyo Holocaust-ka waa inuu waayaa dhul uu haysto.
Taas ayaa ah qiimaha la bixinayo. Tani waa fariinta keliya ee ay fahmayaan cadowgeenna.”

Address

Km4, Banadir Mogadishu
Mogadishu
1943

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga dhalinyarada Beesha Maxamed Awbakar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category