Suugaanta Abwaan Cabdi dhuux

Suugaanta Abwaan Cabdi dhuux Page-kaan waxaa ku soo gudbin doonaa suugaanta Abwaan Cabdi Yuusuf Xassan( Cabdi-dhuux).

Abwaan Abdi Dhuux--2024-1942.   WAABERI-SOMALI-FOLKLORE- TAARIIKH KOOBAN. abwaan Cabdi-dhuux wuxuu dhashay hillaadii 194...
09/11/2024

Abwaan Abdi Dhuux--2024-1942. WAABERI-SOMALI-FOLKLORE-

TAARIIKH KOOBAN.

abwaan Cabdi-dhuux wuxuu dhashay hillaadii 1942kii, deegaanka hul-tukato ee ka tirsan deegaanada Deggmada FEER-FEER ee ku teedsan xadkey wadagaan gobolka soomaali galbeed iyo Gobolka Hiiraan, xilligaa oo halkaa qoyska xoolaha daaqsin u geyeen. qoyskiisa wuxuu ahaa Reer miyi, Reer guraa xoolo dhaqataa kana koobnaa wiilal iyo gabdha.
Doorkiisuna noqday gaban xoolaha raacitaan koooda faran, aabbihiis yuusuf xasan waxa uu ka mid ahaa ciidamaddii xoogga dalka soomaaliyeed, Hooyadii magaceedu waa Dahabo Xaashi nuur.
Intaa ka dib reerku dib ayee ugu soo laabteen deegaanki markii h**e ka naq-raaceen ee BEERXAAXO oo 30km u jira magaaladda caasimada Beledweyne.

1954 ayuu beerxaano ka galay duggsi quraan, macalin ka ahaa AUN-Macalin Cismaan Guure. ardadii duggsiga isla bilaabeen xilligaa waxaa ka mid ahaa,
1 Maxamed maalin yalaxow
2 Muruxow daahir sabriye
3 Cabdule nuur waasuge (xidigii ciyaarta boodinta qaranka Soomaliyeed)
4 Aadan ciise fiidow
5 Cabdulaahi xaashi shirwac
6 Cabdulaahi cabdi xaad
7 Cali mataan salaad
8 Maxamad shiiq aamin
9 Gosaar cismaan
10 Xasan sheeq cismaan.

1956kii ayuu abwaan cabdi-dhuux isla BEERXAANO ka bilabay waxbarashada maadiga ee dugsi hoose oo xiligaa ku baxeyse luuqadi gumeystihii wadanka haystay TALYANIGA.

Muda yar gurdaheed barbaartii deegaanka ayuu caan ka dhexnoqde cabdi-dhuux, isagooo ahaa xidigg cayaaraha iyo caweysyada dhexbooda ka far-muuqan, mararka qaarna alifa eraya ciyaarta lagu dhaqaajinayo waana goorta uu dareemay hibadiiisa curineed.

1964kii ayuu ku biiray ciidankii xoogga dalka soomaaliyeed kuna meyleysnaa ururkii 8aad ciidanka xoogga soomaaliyeed qeybtiisi taangiyada, looga sii beddelay ururkii 12aad oo xaruuntiisu aheyd xeradii GUBBADLEEY, dulleedka bari magaalada muqdisho. taliyihiisi ayaa ahaa aadan warsame darajadiisuna aheed gashaanle.

1973kii, ayuu ka mid noqday kooxdii xoogga dalka. isago ugu imaade abwaano iyo faniin uga h**eeye kooxda waxaan ka mid ahaa:,

1. AUN: Abwaan; Cusmaan Aadan (Cusmaan Askari)
2. AUN: Abwaan; Maxamed Cali Kaariye
3. AUN: Abwaan; Maxamuud C/llaahi Ciise (Singub)
4. AUN: Abwaan Maxamuud Tukaale.
5. AUN: Cabdi Salaad (Beerdillaacshe)
6. AUN: Meecaad Miiggane (Aw-maacaleesh)
7. AUN: Ismaaciil Xirsi Dhegjar (Xaaijiya Masle
8. AUN: Faarax Maxamuud Guuleed.
9. AUN: Saafi Ducaale Cali
10. AUN: Faadumo Muuse Wanaag
11. AUN: Cumar Cabdulle Shoolli
12. AUN: Seynab Xaaji Cali (Baxsan)
13. AUN: Faadumo Cali (Nagruuma)
14. AUN: Cabdi Cali Baa-Calwaan
15. Cumar Xasan Rooraaye
16. Salaad Maxamed Shardi (Salaad Derbi)
17. Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal)
18. Khadiijo Foodeey Nuur (IQB)

Kooxdu tira ahaan, intaa wey ka badnayd, oo waxa jira hal-doorroiyo weliba qaar kale oo fara badan oo aan halkan lagu soo wada koobi karin, maxaa yeelay, kooxdu qeybaha fanka oo dhan bay ka koobnayd, hasa yeeshee, in- toodii ugu caansanayd baan idiin soo xulay.

Muddo yar ka dib, Gaashaanle sare, Ismaaciil Cali Abokor oo ahaa, wasiirkii wasaaradda war-faafinta iyo hanuuninta dadweynaha kana tirsanaa golihii sare ee Kacaanka, ayaa isku biiriyay kooxihii kala ahaa: Raadiyo Muqdisho, Raadiyo Hargeysa iyo kooxdii Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana isku dar- kooda ka soo dhex baxay oo loo bixiyay magacan cusub ee ah Waaberi, sidaa ayey ugu suura gashay, inu ka mid ahaado Hoballada Qaranka ee Waaberi, taas oo mudda dheer la soo shaqeeyay xilli danbena u hoggaanka maamulkeeda wax ka soo qabtay, ilaa iyo haddana uu weli ka sii mid ahay.

Abwaan C/dhuux, muddadii dheerayd ee uu la soo shaqeynayay Hoballada qaranka ee Waaberi, kaalintiisa faneed, waxay ahayd mid muuqata oo aan qarsoonayn; wuxuu ahaa Hal-abuur curiya ereyada, Jilaa karti iyo hal adayg u leh, waxaa uu jilayo iyo weliba cayaa- raha hiddaha iyo dhaqanka oo uu si firfircoon uga dhex muuqday.

abwaan cabdi-dhuux wuxuu ahaa xubbin ka mida ciyaaryahanadii ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka qaranka soomaaliyeed, kuwaa oo ka soo ciyaare dal iyo dibbad ba qaranka u soo hooye guulo iyo bilado.

qeyb ka mida ciyaaryahanadii ay isla soo shaqeyaan waxaan ka mid ahaa:,

1. AUN: Abgaal Saciid Riyaale
2. AUN: Abwaan Maxamuud C/llaahi (Singub
3. AUN: Maxamed Nuur Akhyaar
4. AUN: Xasan Cilmi Qori (Xasan bilaajo)
5. AUN: Ibraahim Nuur Maxamed (Dheri)
6. AUN: Makaraan Caraaye Maxamuud
7. AUN: Cumar Barre Berkaan
8. Abwaan, Axmadeey Cabdi Gaashaan
9. Aweys Khamiis Cabdalla (Mabuuse)
10. C/qaadir Cusmaan Calasoow
11. Sheekh Abuukar Axmed Abbanuur (Sheekaale)
12. Cabdi Khaalid Bookh
13. Cadoow Jimcaale Gacal
14. Cali Maxamed Cali (Cali Ganeey)
15. Cumar C/llaahi Ciise (Fakad)
16. Cusmaan Yuusuf Xasan (Cusmaan Bullo)
17. C/llaahi Axmed Dafe
18. Axmed Jimcaale Maxamuud (Axmed Jeenax)
19. Ciise Jidoow Maxaad
20. Axmed Abuukar Abbunaa lyo qaar kale oo badan.

W/Q------Cabdullahi Cabdicasiis Dhaqane
KU ----- Abwaan Abdi Dhuux
[email protected]

30/10/2024

HOOBAL IYO FANKABA 1979
Abwaan Abdi Dhuux

HOOBAL IYO FANKABA ---1979Lixdan sano ninkii heesayaan Heysan laba shaareWaxaan haashka kala qaadannaaKaan hiigso lahaay...
28/10/2024

HOOBAL IYO FANKABA ---1979

Lixdan sano ninkii heesayaan
Heysan laba shaare
Waxaan haashka kala qaadannaa
Kaan hiigso lahaaye
Hoobal iyo fankaba saa darteed
Waan ka haajiraye.

Tima cadde habeen iyo dharaar
Hadal wuxuu geystay
Hooyaalayeey gabay wuxuu
Hoga tusaaleeyay
Kanna hoos midkaygana hawada
Waa halkuu yiriye
Isagoo harraadkiisii qaba
Aakhirow hoyaye
Hoobal iyo fankaba saa darteed
Waan ka haajiraye.

Qarshe iyo Xuseen ma hakan jirin
Maalin leys helo e
Suugaantu waa hube kufrigii
Hanaqa gooyeene
Meeshuu huleelaba dabbeey
Ku hurinaayeene
Hayeeshee harub maney dhamin
Hoosna may degine
Hoobal iyo fankaba saa darteed
Waan ka haajiraye.

Hororkii gumeysigu markii uu
Arligan haystay
Inuu Cali Xuseen soo halgamay
Hubanti weeyaane
Markuu malaggu haanka ugu shubay
Hootadiyo seefta
Kafantiisi hebelow wax keen
Kuma habbooneyne
Hoobal iyo fankaba saa darteed
Waan ka haajiraye.

Dad ka soo horjeesoo u hees
Daa bal hadalkeede
lyagoon dumar hooygana ka bixin
Heeladkana dhaafin
Guduudadii u soo hiillisee
Soo hirgalineysay
Mar haddeey habaaskaa fadhido
Hadalki beenowye
Hoobal iyo fankaba saa darteed
Waan ka haajiraye.

Cali Sugulle hees, wuxuu tirshay
Uu hirar ka baaqaayay
Hodonnimo jid lagu gaaro iyo
Hadaf wuxuu muujay
Hayaay soo baxaay baa ka mida
Hadalladiisiiye
Waxba yuu abaalkeedi helin
Howshu soo galaye
Hoheey inuu nin yahay waalan
Sow laguma haasaawo
Hoobal iyo fankaba saa darteed
Waan ka haajiray.

Xaashi Cali hufnaan iyo kartiba
Howl u soo qabaye
Abwaan lagu hirtoo wuxu ahaa
Hadallo waaweyne
Calankaa la heystuu naf iyo maal
U soo huraye
Waa kaa sidii habar goblana
Hoos u foorara e
Hoobal iyo fankaba saa darteed
Waan ka haajiraye.

Baalbaal halkuu jooga iyo
Heerka noloshiisa
War haddaad ka heysaan fankaba
Uma hilowdeene
Hadduu heybad leeyahay hidduhu
Hiillna kuu tarayo
Qaadwale habeen iyo dharaar
Hilay ma saareene
Intuu ku hinjiyoo raro tartiib
Uma hoggaansheene
Garbihiisa haaruhu sidaa
Uma hilla]aceene
Hoobal iyo fankaba saa darteed
Waan ka haajiraye.

Haddaanow ina saleebaan ba weli
Ku hodmin luuqdiisa
Cod hallaasileeyeey Magool
Kiradi loo heysto
Maandeeq haddii aanay u hoyan
Daaro hibadeeda
Hoobal iyo fankaba saa darteed
Waan ka haajiraye.

Hal-abuur Huryaba waayihiyo
Hoobal caan baxaye
Suu haween u soo jilayay buu
Yeeshay hadalkoode
Wuxuu habar u qaayibay fankani
heer inuu tago e
Hinji waa ha yeeshee isagii
Kula dhac haadaane
Gaajiyo harraad aawadeed
hoos u soo godaye
Hoobal iyo fankaba saa darteed
Waan ka haajiraye.

Hiddiyaalayeey saar intuu
Hibo ilaah silyay
Axad kaga horreyn jiray Carays
Hooyo may dhaline
Isagoo harraadkiisii qaba
Aakhiruu hoyaye
Hoobal iyo fankaba saa darteed
Waan ka haajiraye.

Hororkii gumeysigu markuu
xoogga nagu heystay
Heyb heyb qabiil iyo markuu
Horimo noo qeybshay
Hadba hanadki soo kaca markuu
Boqonta heerayay
Fulay baa hogtee geesigii
Hootada afeystay
Ee is heysan waayee sangaha
Halafsadoo fuulay
Har qoodaal ninkii tiriyay waa
lama halmaamaane
Bal muxuu hayaa yuusuf waa kaan
Ku hiran lahaaye
Hoobal iyo fankaba saa darteed
Waan ka haajiraye.

FAAF-REEB Alxamdulilah,Waxaan soo geba-gebeyne faaf-reeb aan ku sameyne aniga iyo abwaankuba (awoowgey cabdi-dhuux) dhig...
26/10/2024

FAAF-REEB

Alxamdulilah,

Waxaan soo geba-gebeyne faaf-reeb aan ku sameyne aniga iyo abwaankuba (awoowgey cabdi-dhuux) dhiganahan mugga iyo miisanka leh DARAJIYO XIL YAA MUDAN? kuna keydsantahay sugaanta abwaanka. Kasoo ku qoraal xaragoode saxiibkii qoraa sare fanaan,bar-baariye, BASHIIR CALI XUSEEN mahadi haka gaarte, sigaara qoys ahaan abaalweyn baan uga hayna dadaalki iyo juhdigi uu galiye dhiganahan ku miirantahay maskadii awoowe, adeer bashiir mahadsanid kumanan jeer. intaa ka dib qaladaad ayaa ka jiray qeybo badan oo ka mida sugaanta (TIXDA) iyadoo si qaldan loogu gudbiye qoraha BASHIIR sidaana dabacaadi ku gashe laguna soo saare, halka qoraalka kiisa TIRAABTA yahay saafi aqrista yaasha nasiib u helay dhiganahane si weyn ugu riyaqeen hab-qoraalka farshaxameysan ee qoraha adeegsade.

Nasiib wanaag abwaaanku dadaal badan ayuu ku bixiye sidaan u turxan bixin laheyn idilkeed sugaanta dhiganahan ku aruusan inagoo maalma badan ku dul-qaadanay buugga iyo qalinki lagu saxaye, abwaanka wuxuu igu dhihi jiray maalmahaa awoowe kani waa dhaxalkaan uga tagayo umadeyda soomaaliyed sifiican indhaha ula raac wixii qaladee ku jira siyaan uga saarna.

Dhiganahan ayaa la soo saaray daabacadiisi 1aad wakhti fog laguna soo bandhigay meela kala duwan oo wadanka banankiisa ah, balse aysan weli suuroobin in lagu soo bandhigo gudaha dalkeena hooyo aheydna halkii mudneyd.

Marar dhowra baan abwaan weydiiye goorta lagu soo bandhigayo wadan dhiganahay? wuxuu si fudud iigu yiri awoowe dadkeenan koonfureed fan iyo sugaan waxba k**a garanayan qiimana k**a helo agtooda, halka waqooyiga maamuus iyo Sharaf ka leeyahay e mar hadaan sugaanti oo dhameystiran halkan ugu keydinaa ruxii rabaa isagaa ka raadsan doono, intaa ka dib abwaanka ayaa ii tiriye maanso dheer uu xili h**e tiriye oo aheyd;.

TUSAALE ABWAAN

Fanku inuu waxtaro koonfureey
Ma ba taqaannaane
Tiro dhowr milyana baad tihiiin
Taan is leeyahaye
Haddana tobban hadaafoow la mida
Oo toosan baan jirine
Nin ka tagay shir oo jog la oran
Kan la tirineynin
Iyo maqanihii aan la tabin
Ma laha taariiqsan
Saddexdaa la too baad tihiin
Tuujin dabadeede
Anoon idinku sii talax-tageyn
Hoga tusaaleynta
Tayo ma lihidiin iyo runtii
Garasho toolmoone
Waa tacab qasaar hadalladaa
Iga tagaayaaye
Tusaalaha abwaan iyo murtida
Uma dhegtaagtaan
Tubta guusha loo sii mariyo
Toobiyaha kheyrka
Tusmo lagu nagaaduu intaa
Idin tusayaaye
Hadba wuxuu tilmaamoo dhan
Baad tacaddi moodaane
Farta wuxuu ku taagoo qariban
K**a tageysaane
Idinkoo tixgelineynin baad
Hadal ku tuurtaane
Tuur buu idinla leeyahay
Ra’yiga toosan weligiine
Qarni laba tobnaad dhaafay baad
Taxadka joogtaane
Sawaariiq tartami baa dayaxa
Taar ka soo diro e
Asaaggiin inaad tiigsataan
Waaya tabarreystay
Oo tallaaba qaaddaan la waa
Qarana taagtaane
Qof hadduu tacbaan liita yahay
Oo taah la ladi waayo
Taajirkiinu uma quuri karo
Taano lacageede
Kiinnii tanaadee waqtigu
Yarahe taageero
Tiraab kibira tookh faanna buu
Tow la soo orane
Isma taakuleysaane weys
Tururturreysaane
Waxa aad taqaanaa ba
Waa sii taqaantuquye
Waxaad toogataan ood dishaan
Kii waxtari laaye
Hoobal iyo taqaatiirti baad
Baas ku tiriseene
Bam ku tuurte beyt lagu tukado
Tacajab weeyaane
Waxkastaad ku tumateen haddana
Talo ma heysaane
Tog balaayo iyo dhiig ah baad
Taagantiin weliye
Intiinan uu talyaanigu waxbaray
Oo qaatay tabahiisi
Iska tira war hooy ceebtu
Waa idinku taalaaye
Culimadu karaamiyo tuftii
Toona ma hayaane
Turxaan baa dhextaaliyo khilaaf
Taagan weligiise
Tusbaxliyo gardheerihii is nacoo
Malaha towfiiqe
Leys lama tukado jaalkeeyoow
Tacajib weyaane
Todobaatan iyo dhowr firqaa
Tuhun dhex yaallaaye
Koox weliba annagaa tooosan beey
Nagu tiraahdaaye
Loo kala jab timirtii basriyo
Buniyo toorkiis

sabti
26/10/2024
[email protected]

Address

Maka Almukarama
Mogadishu

Telephone

+252617923150

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Suugaanta Abwaan Cabdi dhuux posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Suugaanta Abwaan Cabdi dhuux:

Share

Category