30/09/2022
Waxaan uga tacsiyeynayaa ehelka, asxaabta iyo ciidanka Booliska Soomaalieed geeridda Gen. Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole), Taliyihii Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo maanta ku shahiiday jiida h**e ee dagaalka gobonnimo doonka ah ee lagula jiro cadowga argagexisada Alshabaab.
Farxaan wuxuu ku dhintay isagoo duurka ugu jira dagaalka argagexisada, dalkana ka xorraynaya gumaysiga iyo dulleysiga argagixisada Al-Shabaab.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu u aqbalo shahaaddadiisa,, naxariistiisa jannana ku arsaaqo, ehelka iyo ciidanka Booliska Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan ka siiyo.