RAD Forum -Golaha Rad

RAD Forum -Golaha Rad Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from RAD Forum -Golaha Rad, Visual Arts, Laascaanood.

Research And Development (RAD)
Golaha RAD waa gole cilmi baadhis iyo horumarineed oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ayna ku midaysan yihiin qaar kamid ah Aqoonyahanka iyo indheer-garadka SSC.

21/09/2025

TOBANKA DARDAARAN EE NOLOSHA WANAAGSAN
------------------------------------------
1. Baro aqoon waxtar leh, kuna tababbaro tababbar guulaystay; waayo liibaantu waxay ku xidhan tahay tacliin iyo tababbar joogto ah. U noolow afkaar, geesinnimo oo dhan, ku dhex muquuro tijaabooyinka, hana ku dul noolaan garbaha dadka kale. Ahow qof noloshan ka leh ra'yi madaxbannaan, hana ka fikirin waxa ay kaa leeyihiin dadka kale.
2. Guurso insaan, balse ha reeraysan xoolo. Dumarka ka dhex xulo saaxiibaddada nolosha, laakiin ha ka dooran adeegtadaada, hana ka fekerin bawdyaheedan uun; si ay kuugu dhasho, hase ahaatee fiiri caqligeeda iyo qiyamkeeda; maxaawaxay insaan ahaan baad ula noolaanaysaa, ee uma baahnid raaxo uun. Haddii aad tahay inan, guurso insaan, laakiin ha raadsan qoodh, sababta oo ah, guriga waxaad kula noolaanaysaa insaan kaalmo kala duduwan ka ciyaaraya noloshan, laakiin keliya uma baahnid beeroole.
3. Adigoo aan lumin caqligaaga, ka qaybqaado dan guud; waayo shaqada guud waa daruuri, shaqada gaarka ahina waa hal'abuur. Sidaa awgeed, ma ka la maarmaan labadu, shacabka noolina isle'egtan ayaa uu fahansan yahay oo dadka kuma addoonsadaan danta guud, qofkuna qofnimadiisa kuma lumiyo danta guud.
4. Naftaada u deji yoolal la hirgelin karo, waxna waajib ah in ay waaweyn yihiin. Dadka ha ka xadin midhaha caqligooda iyo barnaamijyadooda, laakiin waa suurtagal in aad uga faa'iidaysato tijaabo ahaan, balse halistu waxay ku jirtaa in aad shakhsiyaddaada ku lumiso ku dayashadooda. Aad ayaa ay u badan yihiin dad dadnimadoodii iyo qofnimadoodiiba ku waayay mashaariic dad kale!
5. Ogsoonow in aad ballaadhiso danayntaada; waayo qofkii isballaadhiya ayaa ka hawlgala aagag dhawr ah, meelo door ahna ku muujiyo hal'abuurkiisa. Sidaas oo ay tahay, ha illaawin diiradsaarka; maxaawacay waa kuu muhiim. Haddii aad danayso arrimaha fikriga, nafta duldhig falsafadda iyo foolaadkeeda, fiqiga iyo raggiisa, fikirka iyo shakhsiyaadkiisa iyo nolosha iyo keerarkeeda. Hana ku dhex noolaan darbiyo xidhan.
6. Ha illaawin saddex qodob oo kaa dhigaya qof ku faraxsan nolosha, qaab waxtar lehna isugu dheellitiraya: salaadda, akhrinta Quraanka iyo dikri iyo duco wada jira. Xasuusno saddex kor u qaadaya maskaxdaada: akhriska manhajka leh, la xidhiidhka caqliyada garaadka badan iyo fikirka hal'abuurka wata. Iska dhaaf saddex ku niyad jabinaya: ka fikirka shaqooyinka dadka kale, in aad hab joogto ah uga warranto guuldarrada iyo raadraadinta dhinnaanta iyo dhaliilaha saaxiibbada.
7. Buugga ka dhigo saaxiib daacad ah, lana noolow fiirooyinka dadka leh fikiradaha ka hor intaanad la dersin sadarrada buugaggooda. Si aad u ahaato insaan, la xidhiidh ruuxa baahan iyo saboolka ah. Ha fikirin dadka kale adiga oo wakiil ka ah, balse nuxurka fikirkaaga la wadaag dadka. Xaaladdan, waxaad helaysaa dad kala duduwan: ruux baa ku diidaya, xaq baanu u leeyahay, mid labaad ayaa ku dhaliilaya, waana arrin dabiici ah, qof saddexaad ayaa ku yeelaya, waxay tusaysaa awoodda qancintaada, shakhsi afraadna dan iyo muraadtoona ka ma laha qoraalkaaga, waayo isku dookh ayeydaan ahayn.
8. Abidkaa fiiri h**e, hana noqon sida dacawada daymada badan ee aan dheerayn; waayo horusocodka ayay ka cabsataa. Ha noqon sida bisadda sugta shayga ay samaystaan noolaha kale, waayo falkani waa addoonsi aqbal. Ha noqon sidii dibi cadhaysan oo burburinaya shayga ka horreeya iyo ka ka danbeeya, waayo ma samaysan mustaqbal, tagtadiina ma tixgelin. Laakiin, noqo libaax socodkiisa ku dara degganaan iyo kalsooni, ugaadhana ku booda isaga oo aan dayacayn fursadaha; sababta oo ah noloshani waa fursado, doqonniimadana waxa ka mid ah in aanad ka faa'iidaysan xilliga munaasibka ah.
9. Qoyska sii waqti muhiim ah oo ka mid ah noloshaada, barbaarinta iyo jihayntana ka dhigo habka aad isu fahantaan ubadkaaga; waayo waa kaydka dhabta ah. Shayga ugu qaalisan ee aad siinayso ubadku waa ogaalka, aqoonta iyo jihaynta, balse ma aha hantida iyo lacagta. Haddaba, waxa kugu waajib ah in aad ka fikirto maxay iga dhaxli doonaan ubadkaygu? Ugu horrayn, ka fikir iimaan, mar labaad akhlaaq, mar saddexaadna abtirsiin. Waa in aad u kala horraysiiso arrimaha aad kula dhaqmayso ubadka yaryar iyo waaweyn iyo lab iyo dheddigba sida ay u kala mudan yihiin. Udub dhexaadka qoysku waa hooyada; waayo waa tiirka ugu mudan iyo dhufayska ugu muhiimsan, aabbuhuna waa garabka iyo awoodda qoyska.
10. Liibaanta ka dhigo hadaf, balse yeysan kaa noqonin jid; waayo micne ma laha nolol guul leh oo aan wada liibaani. Sidoo kale, nacfi ma laha nolol ay maaddo oo dhami ku dhan tahay, laakin ka arradan liibaantii. Isha liibaantu waa qalbi daahir ah, xarunta guushuna waa caqli maskax badan. Insaanku wuu guulaysan karaa, laakiin noloshiisa ka ma heli karo liibaan. Sidoo kalena wuu liibaani karaa, hase ahaatee ma guulaysan karo. Sidaa awgeed, intii karaankaa ah, qorshee qaabkii aad u kulmin lahayd liibaanta iyo guusha. Si daacad ah ayaan idiinku duceeyay.
Gunaanadka: guushu ma aha in aad noloshan u qaabayso sidaad doonayso, laakiin waa in aad ku aqbasho habka ay tahay, waana in aad caqabadeheeda ku wajahdo awood. Waa suure in aad kufto, in aad dhacdo iyo in aad guuldarraysato; balse qaamuuska guusha meelna kagama jirto in aad ka baxdo nolosha. Guushu waxay ku jirtaa in lagu suntanaado qiyam, adkays iyo dulqaad si kasta oo ay yihiin caqabaduhu. Guushu ma aha qaabka aynu ka aragno warbaahinta, balse waa sida aynu ka aragno gudaheenna.

Qalinkii Sh. Cabdiraxmaan Bashiir

🔟 قواعد لتطوير نفسك مهنياً 1. التعلّم المستمرخصص وقت يومي أو أسبوعي لاكتساب مهارات جديدة أو متابعة آخر التحديثات في مجال...
16/09/2025

🔟 قواعد لتطوير نفسك مهنياً
1. التعلّم المستمر
خصص وقت يومي أو أسبوعي لاكتساب مهارات جديدة أو متابعة آخر التحديثات في مجالك.
2. القراءة في مجالات متنوعة
مش بس في تخصصك، لكن كمان في الإدارة، التسويق، والتكنولوجيا عشان توسع منظورك.
3. تطوير مهارات التواصل
القدرة على توصيل أفكارك بوضوح وذكاء بتفرق في المقابلات والاجتماعات.
4. ابحث عن Mentor (مرشد)
شخص عنده خبرة يوجهك ويختصر لك طريق طويل من التجارب.
5. ضع أهداف واضحة
اعمل خطة مهنية بخطوات محددة وقابلة للقياس، مش مجرد أمنيات.
6. الانضباط وإدارة الوقت
النجاح المهني مش بس ذكاء، إنما التزامك بالمواعيد وجودة عملك.
7. بناء شبكة علاقات قوية
العلاقات المهنية ممكن تفتح لك فرص ما توصلش لها وحدك.
8. تقبّل الملاحظات والنقد
النقد البنّاء فرصة للتطوير مش تقليل من قيمتك.
9. إتقان التكنولوجيا
أيًا كان مجالك، لازم تبقى ملم بالأدوات الرقمية الحديثة.
10. توازن بين العمل والحياة
صحتك وطاقتك النفسية هي وقود نجاحك المهني.

Kulan muhiim ah weeye .
28/06/2025

Kulan muhiim ah weeye .

Sanadkan cusub  barwaaqadiisa iyo badhaadhihiisa Alle weyne hanasiiyo dhibkiisana Alle weyne ha inaga dhowro.RAD FORUM.L...
26/06/2025

Sanadkan cusub barwaaqadiisa iyo badhaadhihiisa Alle weyne hanasiiyo dhibkiisana Alle weyne ha inaga dhowro.

RAD FORUM.
LAASCAANOOD SSC-KHAATUMO.
SOOMAALIYA

04/06/2025

Fadliga Maalinta Carafa & Acmaasha uu uga faa,idaysan karo Muslimku.

Fadliga Maalinta Carafa (maalinka 9aad ee Dul-xija)

1- Waa Maalintii Alle inoo dhamays tiray Diinteena.
2- Waa maalintii Alle inagu abiyey/inagu dhamays tiray Nicmadiisa (danbi dhaafka).
3- Waa Maalinta ugu wayn Maalmaha Aduunka.
4- Wuxuu kamid yahay maalmaha tobanka ah ee Camalka la sameeyo Alle ugu jecelyahay, uguna Fadli badanyahay.
5- Waa maalinta Xujaydu gudanayaan Camalka ugu wayn Xajka, oo ay taakanyihiin Carafa.
6- Waa Maalinta Alle u soo dhawaado Addoomihiisa, oo uu ugu faano Malaa,ikta.
7- Waa Maalinta Danbiga ugu badan Alle u dhaafo Addoomadiisa.
8- Waa maalinta Dadka ugu badan Alle Naarta ka xoreeyo.
9- Waa maalinta Shaydaanku ugu Ayaan daranyahay, uguna arag xunyahay, waayo?, Dadkii uu danbaajiyey ee uu Naarta u waday, ayaa Alle Maalin kaliya u Danbi dhaafay, Naartana ka xoreeyey.

Acmaasha uu uga faa,idaysan karo Muslimku.

Si aanu Qofka Muslimka ahi uga qadin Fadliga wayn ee Maalintan, waxa habboon inuu ku dadaalo Acmaashan:-

1- Soonka, oo lagu dhaafo Danbiyada yaryar ee labo sano, (Sanad tagay & mid soo socda).
2- Tawbada, Haddii Danbigii yaraa lagu dhaafay Soonka Maalinkan, waxa Habboon In laga Tawbad keeno kuwii waawaynaa, Waana maalin Alle u danbi dhaafo Addoomadiisa.
3- Ducada, Duco waxa ugu khayr badan Ducada Carafa, Nabeguna Scw aad ayuu u ducaystay Carafa, Waa inuu ducaysto Muslimku, una duceeyo: ubadkiisa, waalidkiisa iyo Ummaddaba.
4- Dikriga Alle & Xuskiisa, waxaana ugu khayr badan:
"لا إله إلا الله وحده لا شَريك له، له المُلك وله الحَمدُ وهو على كلّ شيء قدير"
5- Cafiska, inaad Cafido oo Caloosha ka sii dayso walaalkaaga wax idin dhex mareen, Si Alle kuu cafiyo.
6- Ikhlaaska, In Alle dartii & daacadnimo loo sameeyo Acmaasha.
7- Dhammaan Acmaasha wanaagsan, Sida: Qur,aan akhriska, Saliga Nebiga Scw, Takbiirta, Sadaqada iyo Qaraaba xiriirinta.

Waxa fiican inaad u qabato Reerkaaga & Ubadkaaga fadhi aad ugu wacyi galinayso Fadliga Carafa & Acmaasha wanaagsan ee la sameeyo.

Waa Maalin kaliya 24 saac, oo Fadligan intaa leeg iska leh, Fadligeeda ha ka qadin, khayrkaana ha ka harin.

Sh.Abdilahi Abdisamed Cali

Ha moogaanina habeynkaa idamka Alle.
31/05/2025

Ha moogaanina habeynkaa idamka Alle.

SUNANKA MAALINTA JIMCAHA AH:👇1-Aqrinta suuratu Kahfi"Saciidul khudri Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyay, Rasuulki ...
25/04/2025

SUNANKA MAALINTA JIMCAHA AH:👇

1-Aqrinta suuratu Kahfi

"Saciidul khudri Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyay, Rasuulki Alle ﷺ inuu yiri “Qofkii aqriya suuratu Kahfi maalinka jimcaha, Alle waxuu nuur ka yeela inta udhaxeysa labada Jimca"

Albaani ayaa ku tasxiixiyay kitaabkiisa Saxiixu Jaamic lambarka: (6470)

2- Salliga Nabiga ﷺ

Anas Binu Maalik Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyay inuu yiri Rasuulkii Alle ﷺ ayaa yiri “badiya salliga maalinta Jimcaha iyo habeenka Jimcaha, qofkii igu salliya hal salli, Alle ayaa ku salliya toban jeer"

Xasanahu Albaani fii saxiixu Jaamic lambarka (1209).

3- Ducada:

Jaabir Binu C/llahi Allaha ka raalli noqdee ayaa laga wariyay, Rasuulki Alle ﷺ inuu yiri “Maalinta Jimcada waxaa dhaxdeeda ahaatay 12 saacadood oon la heleen addoonka muslimaka, hadu Alle weydiisto shey ilaa Alle wuu siiyaa isla sheyga, haleela saacada ka dambeesa casirkii"

Albaani ayaa ku tasxiixiyay kitaabkiisa Saxiixu Nisaaii lambarka (1388).

Abii Hureyra Allaha ka raalli noqdee waxaa laga wariyay, in Rasuulka Alle ﷺ uu xusay maalinka Jimcaha yirina “Waxaa dhaxdeeda ahaaday saacad haduu adoonka muslimka haleelo asagoo dukanaayo, Allena weydiisto shey, Ilaa Alle wuu siiya isla sheyga”

Saxiixu Muslim lambarka (852).

✍️ Xigadho.

Xafiiska Warbaahinta&Xiriirka Bulshada MQS.

AAN BADINNO CIBAADADA WALAALAYAAL.

TACSI.RAD Forum -Golaha Rad  wuxuu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Sareeye guuto Axmed sulaymaan dafle oo...
10/04/2025

TACSI.
RAD Forum -Golaha Rad wuxuu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Sareeye guuto Axmed sulaymaan dafle oo ka mid ahaa golihii kacaankii 21 oktoober.
Alle weyne ha u naxsriisto dafle samir iyo iimaanna haka siiyo ehelkiisii iyo qarabadiisii.
Aamiin Aamiin.

Golaha Rad
Laascaanood
SSC-KHATUMO.

Address

Laascaanood

Opening Hours

Monday 07:00 - 19:00
Tuesday 07:00 - 19:00
Wednesday 07:00 - 19:00
Thursday 07:00 - 17:30
Saturday 07:00 - 19:00
Sunday 07:00 - 19:00

Telephone

+252634907562

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RAD Forum -Golaha Rad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to RAD Forum -Golaha Rad:

Share

Category