19/04/2026
QABYAALADDA IYO CAQBADDA DHISMAHA DOLADNIMADA SOOMALIYA.
Inkastoo ay adagtahay in la cayimo xilliga uu bilaabmay saamaynta qabiilku uu ku leehyahay nolosha Soomaalida, balse waxaa la dhihi karaa Qaab-u-yaalka bulshada Soomaalida waxa uu ku dhisnaa hannaanka qabiilka lagasoo billaawo qarniyadii dhexe. Waxaa soo
ifbaxay danaynta nasab-sheegashada oo noqotay wax ka mid ah nololsha qofka, sababtuna waxa ay tahay qofka
Soomaaliga ah waxaa uu ku dadaali jiray in uu xifdiyo abtirkiisa uuna gudbiyo jiilka isaga ka dambeeya.
Waxaa loo sababayn karaa tixgelinta dadyowga soomaalidu ay qadariyaan qabyaaladda, in qabiilku ahaa hab-nidaamiyaha nolosha gudaha iyo dibadda ee bulshada iyo sidoo kale meesha ay magan-geli jireen markii ay colaadaha ama dhibaatooyinka rabbaaniga
ah dillaacaan sida abaaraha.
Qabiilku waxaa uu tiir adag u ahaa dhismaha nidaamka siyaasadeed, waxaan ogsoonnahay in xukuumadihii Soomaaliya soo maray lagaso billaawo xornimadi markii la qaatay ay ku dhisnaayeen qaab beeleed.
Haddaba dhibtu k**a taagna qabilka ee waxa ay ka taagantahay qabiileysiga iyo
habarwacaashada, taasoo sabab u noqonaysa in ay yaraato dareenka waddaniyadeed iyo in loo abtirsado qaranka, taasi badalkeedana qofku uu difaaco qabilkiisa uu ku abtirsanayo.
Qabiileysiga soomaalida waxaa uu gaaray heer uu qofku ku eego waxyaabo badan oo nolosha kamid ah aragti qabiil oo keliya, oo dadkii ugu caansanaa diinta, cilmiga iyo halganka qaranka loo aqoonsado dad danaha qabiilkooda xambaarsanaa aanay aheyn dad wanaagsan, Waxaa tusaale loosoo qaadan karaa xilligii halganka lagu jiray dabayaaqadi afartameeyada iyada oo gumeyste dalka joogo
ayaa waxaa soo ifbaxay xisbiyo u samaysanaa qaab qabiil, kadib markii ay qabyaaladdu ku baahday nashaadka siyaasadeed ee xisbiyada.
La Soco qaybta xigta ……….