28/01/2026
Hordhac
Mahad oo dhan waxaa iska leh Allaaha Raxmaanka ah, Naxariista badan. Naxariis iyo nabadgelyona ha ahaato Nabi Muxammad ﷺ, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo cid kasta oo ku raacda wanaag ilaa Maalinta Qiyaamaha.
Taariikh‑nololeedkani wuxuu soo bandhigayaa socdaalka cilmiga, hijrada, tacliinta iyo dacwada ee Sheekh Cabdullaahi Xasan Xaashi Al‑Barbaraawi, oo ka mid ah culimada ku barbaartay manhajka Salafka, kuna soo barbaaray xarumihii cilmiga ee Yemen, gaar ahaan kuwii uu aasaasay muhaddith‑kii weynaa Sheekh Muqbil bin Haadi Al‑Waadiici (Alle ha u naxariisto).
Dhalashada iyo Barbaarinta
Sheekh Cabdullaahi Xasan Xaashi Al‑Barbaraawi wuxuu ku dhashay caasimadda Hargeysa 12‑kii bishii 7aad ee sannadkii 1973‑kii, halkaas
Oo uu kusoo barbaaray Waxbarashadiisii hoose dhexene ku qaatay Dugsiga Sheekh madar,
#-rixladii dalabka cilmiga:
Sannadkii 1992‑kii, isagoo aan weli gaarin labaatan sano, ayuu go’aansaday sheikhu inuu u rixlaysto dalabka cilmiga shareecada, Wuxuuna ka baxay dalkiisa hooyo isaga oo ay weheliyaan dhalinyaro kale oo hammi iyo himilo isku mid ah ay lahaayeen.
Safarkoodu wuxuu ka bilowday magaalada Berbera, kadibna waxay u gudbeen dalka Yemen, iyaga oo ujeeddadoodu ahayd in ay gaaraan xarumaha cilmiga (maraakiztaa) ee waagaas caan ahaa gaar ahaan kuwii ku yaallay tuulada -Sacda- Ee dalka yaman,
Barashada Cilmiga ee Maraakiista Yemen
Xarumahaasi waxay ahaayeen kuwo si gaar ah loogu talagalay ardayda cilmiga,
lagana heli jiray:
-Hoy iyo jiif ardaydu deggenaadaan,
-Duruus nidaamsan bilaashna ah,
Xarumahaas oo uu aasaasay caalimkii weynaa ee muhaddith‑ka ahaa, Sheekh Muqbil bin Haadi Al‑Waadiici (Alle ha u naxariisto), oo ka mid ahaa culimada ugu waaweyn ee Sunnada qarnigan dambe.
Nidaamka Waxbarashada
Waxbarashadu waxay u qaybsanayd laba qaybood:
Qayb guud – dhammaan ardayda ayaa wada qaadan jirtay, una bixin jiray Sheekh Muqbil laftiisu, isagoo dhigi jiray:
-Caqiidada Salafka
Kitaabada xadiiska
-Usoolul‑fiqh
-Manhajka Ahlus‑Sun.
q 1aad.