28/08/2024
Dallada Burao Women’s Leadership Forum oo ah dallad u gaar ah hablaha magaalada Burco, ayaanu xalay kala qaybgalay xaflad soo dhowayn ah, oo ay u sameeyeen xisbiga Waddani, waxaana kala soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X. Xasan, iyo masuuliyiinta xisbiga Wadani ee gobolka Togdheer iyo kuwa degmadda Burco.