Abdi Jama Husein

Abdi Jama Husein waa bogayga rasmiga ah fadlan like saar shear na taabo . mahadsanidin.

Alhamdulilaah New residential house G+1Guri deegaan oo cusub oo ah hal dabaq.Waxaad iga heli karta  nashqad dhisme cabbi...
18/02/2022

Alhamdulilaah
New residential house
G+1
Guri deegaan oo cusub oo ah hal dabaq.
Waxaad iga heli karta nashqad dhisme cabbirka kasta iyo goor kasta.

Alxmdullilaah Shalay waxa soo dhmaaday Semester 9Project : General hospital Area. 160m x120m G+4200 beds12,  February,  ...
13/02/2022

Alxmdullilaah
Shalay waxa soo dhmaaday
Semester 9
Project : General hospital
Area. 160m x120m
G+4
200 beds

12, February, 2022

23/08/2021

S.C. walalayaal
Habeen wanaagsan

10/06/2020

Waalidka gaar ahaan hooyada waa macalinka iyo tusaalaha koowaad ee caruurta iyo weliba Dugsiga u horeeya ee ay wax ka bartaan gaar ahaan gabadhaha.

Haddaba talooyin anfacaya hooyada sida ay u bar baarin laheyd caruurteeda gaar ahaan gabdhaha ayaan jeclahay inaan idinla wadaago waana kuwan:

1. Ha barin gabadhaada sida loo ciyaaro, Bar sida Salaada loo tukado

2. Ha barin sida loo heeso, Bar sida Quraanka loo aqriyo

3. Ha ku qurxin make up badan iyadoo yar, Bar sida la isu asturo oo Xijaab loo xidho

4. Hadii lagu soo waco ama albaabka la soo garaaco ha ku odhan "Hooyo ma joogto dheh" been baad baraysaa in la sheego hadhowna kuma garaaci kartid maxaad been u sheegteen

5. Ha ku hor daawan Musalsal iyo Filimaan hana u oggolaan in ay kula daawato

6. Ha ku hadlin wax kasta marka aad asxaabtaada la sheekaysanayso caruurtaadana ku hor joogaan

7. Ha is odhan way yar yihiin wax badana ma fahmayaan ee waxaa rabto ku hor samee, xaqiiqdii way garanayaan, maskaxdooduna way duubaysaa wax kasta xitaa hadii aysan hadli karin

8. Ha ku hor badalin Dharka hana isku hor qaawin mar kasta waxay u qaadanaysaa in ay caadi tahay in sidaa meel kasta lagu sameeyo

9. Iska yaree in aad ku hor isticmaasho Mobile, tablet ama laptop saacado badan, iyaguna waxay bilaabayaan in ay ku ooyaan in ay isticmaalaan mobile

10. Ka dhig gurigaaga hoy Muslim Sunadana lagaga dhaqmo. Tusaalaha koowaad iyo Dugsiga u horeeya ee gabadhaada waa adiga, sida aad u dhaqanto ayaa saameyn weyn ku yeelanaysaa noloshooda dambe

11. Bar Jaceylka Alle. Tus in aad jeceshahay gabadhaada oo ku kori Jaceyl & naxariis, si aysan Jaceyl been ah banaanka uga raadsan oo loo qaldin

12. Ha u oggolaan in ay Fanaanad ama Atariisho ka dhigtaan 'role model' qof ay ku daydaan nolosha, Bar in Dumarki dhawrsanaa ee Taariikhda Islaamka ku xusnaa ay yihiin tusaalaha ugu fiican ee Gabadh Muslimad ah ku dayan karto

Xusuusnow: Waa lagu weydiinayaa wax kasta aad barto Gabadhaada Maalinta Khiyaame.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.

soo tabiye: Eng cabdiraxmaan hiigsi fog

10/06/2020

Allaa mahad leh
qofkastaaba alle ha u mahadiyo

07/06/2020

Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin asxaabta sharafta leh

30/05/2020

Akhriska Wanaagsan

Marka aanu ka hadlayno akhriska iyo faa’iidooyinka uu leeyahay maaha kuwa lasoo koobi karo, umad walibana waxay horumar ku gaartaa dadkeeda oo akhriska badiya, aqoon fiicaanna leh, waana tan ay dowladaha shisheeye horumar ku gaareen.

Diinteena islaamka waxa ay nagu baraarujinaysay akhrinta iney tahay nolosha qofka oo dhan, waana tan lagu amray nabi muxamed *N.N.K) eraygii ugu horeeyay ee la faray waxa uu ahaa akhri waana farriin guud oo umadda muslimka ah.

Hadii aan uguda galno akhriska iyo faa’iidada uu leeyay waxaan oran karnaa qeyb badan ayuu faa’iido u leeyahay sida:

Kobcinta Garaadka

Garaadku waa xubin ka mid ah xubnaha jirka bini aadanka waxa uuna u baahanyahay in mar walba la kobciyo, waxyaabaha lagu kobciyana waxaa ka mid ah akhriska in uu noqdo mid joogta culumada ku xeel dheeri arimaha caafimaadka waxa ay tilmaamayaa in qofka akhriska badan in uu ka caafimaad badan yahay garaad ahaan qofka aan waxba akhrin .

Ka hortagga walwalka

Waxaan shaki ku jirin in qof walba oo dunidan ku nool in mararka qaar uu la kulmo walwal ka yimaada dhanka shaqada ama qoyska , walalkaas wax yaabaha looga hortegi karo waxaa ka mid ah in qofku uu waxa akhriyo sida qu’aanka kariinka oo ha waxa ugu fiican ee qofku uu ku iloobi karo walwalkiisa, sidoo kale sheekooyinka xiisaha badan.

Aqoon kororsi

Waxaa hubaal ah in akhrisku uu kuu horseedayo horumarka noloshaada gaar ahaan marka aad akhriso waxa aad jeceshahay, waayo waxaa kuu kordhaya aqoon badan waxaadna noqonaysaa qof aqoon badan u leh takhasuskiisa, waxaana jira kutub badan marka aad akhriso aad ka helayo fikrado wanaagsan isla markaana aad ku maaraynayso noloshaada.

Eraybixin fiican

Marwalba oo akhriskaagu badan yahay waxaa hubaal ah in aad ka faa’iidaysanayso erayo badan oo aadan horay u aqoon, eray bixintaasi waxa ay kuu horseedaysaa in aad ka soocnaato dadka kale .

Qoraal fiican

Marka aan ka hadlayo qoraal fiican waxaan ula jeedka in qof walba qofka uu ka akhris badanyahay ayuu ka qoraal fiican yahay . akhriskuna waxa uu kuu horseeday in qoraalkaagu uu noqdo mid wanaagsan oo la fahmi karo .

Deganaasho

Mar walba oo aad waxa akhrinayso ama aa wax qorayso waxaad dareemaysa deganaasho joogta gaar ahaan intaa wax akhrinayo, waxayna ka mid tahay faa’iidooyinka akhriska

Ugu danbeyntii waxaad ogaataa sida loo kala wax akhrin badan yahay ayaa loo kala cilmi iyo aqoon badan yahay, dadkeena oo wax akhriyana waa dalkeena oo horumara, waa tii xikmaddu ahayd (خير جليس في الزمان كتاب ), taasoo macneheedu yahay saaxiibka ugu wanaagsan waa buugga illeen marnaba k**a qalooneyside.

Qore: Cabdiraxmaan Jaamac Xuseen

Address

26 June , Marodijeeh
Hargeisa
NIL

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252633286757

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdi Jama Husein posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Abdi Jama Husein:

Share