Dhaqan iyo Dhigaal

Dhaqan iyo Dhigaal " Barashada afkaaga iyo dhaqankaagu waa jiritaankaaga qofnimo"

Ardaagan Dhaqan iyo Dhigaal ee Akaadamiyadda Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, waxa aynnu si maalinle ah isugu xasuusan doonnaa, hiddiheennii iyo dhaqankeennii suubbanna.

Sannad guuro wanaagsan reer Somaliland 18May 2026 .
19/05/2026

Sannad guuro wanaagsan reer Somaliland 18May 2026 .

11/05/2026
10/05/2026

Tartanka fallaadh tuurashada
Fallaadh iyo Qaanso ayaa la adeegsanaaya

Jaadadka ubbada maxa aad ku dari? 1. Masti:2. Tawaad: 3. Geeb, Dheengo:4. Qadaado 5. Juguco/ Ubbo-dhiil:6. Barro:7. Xaqa...
07/05/2026

Jaadadka ubbada maxa aad ku dari?
1. Masti:
2. Tawaad:
3. Geeb, Dheengo:
4. Qadaado
5. Juguco/ Ubbo-dhiil:
6. Barro:
7. Xaqafo:
8. Quluco:

Halbeegyadii Soomaalidu Ragga Ku Cabbiri jirtay.“Deeq, dirir iyo dood”Halbeegyada ugu mugga iyo miisaanka weyn waxa ka m...
06/05/2026

Halbeegyadii Soomaalidu Ragga Ku Cabbiri jirtay.
“Deeq, dirir iyo dood”

Halbeegyada ugu mugga iyo miisaanka weyn waxa ka mid ahaa: Doodda, deeqda iyo dirirta. Ninku waa in uu yahay nin hub la’aan didirikara oo afkiisa isku furankara, gartiisa marsankara gardarradana iska difaacikara. Ninku waa in uu yahay nin gaantiisu furantahay oo aan dhabcaal ahayn. Gurigiisana lagu soo hirto laguna soo hagaago. Ninku waa in uu yahay nin marka xaal xumaado geesi aan libiqsan, oo birtu karin ah tolkiisana hoggaanka u qabankara.

Waayadii h**e qayb kasta oo nolosha ka mid ahi waxa ay lahayd halbeeg, lagu miisaamo laguna cabbiro. Nolosha ayaa ayna lamahuraan u ahayd, si taabbagalkeedu uu u hirgalo. Ragga oo ahaa tiirka ugu muhiimsan ee nolosha ayaa aynnu eegaynaa bal miisaanka la saari jiray ee loo qiimayn jiray raganimadooda. Raggu rag waa wada yahay balse waxa jira garaaddo la is dheeryahay. Maahmaah saddexley ah ayaa ahayd raggu saddex waa ka simanyahay: Magta, muuqa iyo magaca. Maahmaahdaasi waxa ay inna tusaysaa ay jiraan hummaag guud oo raggu wadaago basle ay qarsoonyihiin wax badan oo la is dheeryahay.

Maahmaah kale oo saddexley aha ayaa iyana ahayd ragga saddex baa ugu liita: Nin maqan oo aan la tebin, nin jooga oo aan la tirin iyo nin tagay oo aan la joojin. Saddexleydani waa mid ka mid ah maamaaha ugu mugga weyn ee lagu qiimeeyo kartida iyo milgaha raganimaa. Ninku marka golaha la joogo haddii aan la is weydiin oo aan la odhan waar ninkii hebel meeyey? Arrinku ha innoo furme nin jira oo tirsan muu ahayn. Marka raggu golaha joogo ee la is magacdhebaayo ninka aan carrabka lagu adkayn ee aan la sheegin isaga oo golaha jooga isna ma tirsana. Ninka golaha ka kacay ee arrinka ka yara wasiisiyey ama wax diiday, ee waar fadhiiso! Waar arrinka ha loo xidho hadduu kacay la odhan waayo, ee arrinkii la iska wato isna nin beesha iyo reerka miisaan ku leh maaha.

Murti kale oo lix nudood ah ayaa iyana jirta, oo ragga qiimahooda iyo qaayahooda lagu kala abla-ableeyey. Waxa ay leedahay raggu waa todoba jaad oo kala ah: Nin rageed, nin rageed-kalaal, rife, rife-kalkaal, udub-xeje. Anna waa-ikan. Lixdan jaadba ragga ayaa ay midyihin mid walibana waa halbeeg sheegaaya ninka ku sifooba dhaqankaasi, halka ay joogto raganimadiisa iyo milgihiisu.
1. Nin rageed: Waa nin arrinka heli o goo arrin yaqaanna ah
2. Nin rageed-kalaal: waa nin arrinku si wacan ugu muuqday, nin rageedkiina ku taageeray arrinka
3. Rife: Waa nin ka shaqeeyo uun qardabaynta arrinka la heley, geedkana aan tegin.
4. Rife-kalaal: Waa mid caawiye u ah una jiibiya kaa wax qardabaynaaya ee aan geedkana tagayn.
5. Udub-xeje/ Mas-dil: Waa nin aan guryaha, dumarka iyo caruurta maba dhaafo, oo marba dumarka ayaa yidhah waar kaaley hebelow udubkan noo qabo waar kaalay maskan naga dil bawdka ku jira.
6. Anna waa-ikan: Waa nin iska danaystay oo hawlihiisa iska raacday, oo intii rag gorodda iskula jiray ee arrin la waday wuu maqnaa. Marka xaajo dhammaato ayuu odhonayaa anna waa-ikan ee maxaa la yidhi?

Isaseegga maanta nolosha Soomalida ka dhacay ayaa ah, intaa aan kor ku soo sheegnay ee waayadii h**e kala sheeganayd, in ayna maanta kala sheeganayn oo ay meel isugu wada imanayaan isku sina looga talaqaadanaayo. Raggii aan la dhagaysan arrin iyo talo midna aan la waydiin jirin ayaa maanta taliya taasnina waxa ay keentay kala tag, bubur, dib-u-dhac, horumar la’aan, isqabsi joogto ah iyo in ninkii geedka iyo arrinka laga ilaalin jiray la darajeey. Halkaa waxa ka soo ifbaxday maahmaahdii h**e ee ahayd ‘ Nin aan talinjirin haddii uu taliyo, nin aan tagijirin ayaa taga’

Quruxdii hablayaha togdheer iyo hugii hiddaha iyo dhaqankeenna.
20/04/2026

Quruxdii hablayaha togdheer iyo hugii hiddaha iyo dhaqankeenna.

QUMBEQumbuha waxa uu ka mid yahay agabkii dadka Soomaaliyeed ay samayntiisa hal-abuureen, subagga ayaa ay ku kaysan jire...
02/04/2026

QUMBE
Qumbuha waxa uu ka mid yahay agabkii dadka Soomaaliyeed ay samayntiisa hal-abuureen, subagga ayaa ay ku kaysan jireen xilliyada barwaada ah. Waxa uu ka mid ahaa saabaanka laga sameeyo saanta xoolaha. Waa suure in magacbixinta ay ku kala duwanyihiin deegaannada dhulka Soomaaliyeed, Sida aan xog raadinta ku helay Qumbaha waxa laga samayn jiray gogga saanta geela – Goggu waa dheegagga neefka geela ah goljilcna waa la yidhaahdaa.

Saanta marka tuladda la loogay laga saaro gogga ayaa gaar loo goosan jiray , dhogorta ayaa laga hoodhin jiray deedna waa la aslijiray si looga saxartiro wixii ur ah ee subagga dhalingaddin kara. Marka la aslo ayaa inta la isugu soo laabo si wareegsan, ayaa afkana lagaga xidhi jiray saddex qori oo hab iyo hannaan la isla garanaayo la isudhaafiyay. Ciid ayaa laga buuxin jiray deedna geed ayaa laga soo laalaadin jiray, si miisaanka iyo culayska ciiddu uu hoos ugu kala saaro gogga la aslay mugna uu u yeesho. Marka ay in muddo ah geedkii ka laalaado goggii, ee uu engago tawafanna ayaa laga soo furi jiray deedna ciiddii salka loo dhigay laga daadin jiray. Wixii intaa ka danbeeya waxaa loo isticmaali jiray in subagga lagu ka shubto oo lagu dhigto. Saabaankan samayntiisa waxaa lahaa oo looga dambbayn jiray haweenka, wax door ahna kuma ay lahayn raggu.

Qumbahu in uu ahaa saabaan lagu kaydsado subagga, waxaa marag iyo marqaati innooga ah suugaanta dhaxalgalka ah ee dadka Soomaaliyeed. Suugaantu waa meesha qudha ee si mug leh ay ugu kaydsanyihiin hiddihii iyo dhaqankii Soomaaiyeed, walow in badan oo ah suugaantii iyo dhaqankiiba ay lumeen haddana wax badan ayaa ku kaydsan oo laga dhex helayaa. Mid iyo laba marqaati innoo noqoda ayaan halkan kugula wadaagayaa ee ila sii yara joog!
“Qumbe subaga oo meel qotama oo nin lihi quuto
Qooraansigiisaa kuugu daran quud aan la cuninn”
- Wiilwaal
-
“Qunbahaygaan ligliga hastaa”
- Murti h**e
-
“Goggii subagga laga dhoobi jiray haatan gorofaadye
Basaas bay timihii kala go’een gaaridii dumare”
-Ismaaciil Mire Cilmi

Qumbuhu sabaankaas ayuu ahaa qaabayntiisa ay hal-abuureen dadkeenii xoolo dhaqatada ahaa, oo iyagu mar walba ku dedaali jiray baahi kasta oo noloshooda ah in ay kala soo baxaan xoolaha iyo dhirta. Runtii waxa ay ahaayeen dad maanfuran oo gacmahooda ku ciilbaxa, ma ay ahayn dad gacmo shisheeye ku hoos nool oo garaadkooda fadhiid laga dhigay. Sida dadkeena maanta saabaanka oo dhan dalal shidheeye looga keeno inyar mooyaane.

Qalinkii Mustafe Axmed “ Sheybe”

Jaadadkii ragga Soomaaliyeed aqalka ku gelijireen. Maxa aad ka fahantay?1. Xiiseweerar2. Xaajoweerar3. Xalweerar 4. Xann...
01/04/2026

Jaadadkii ragga Soomaaliyeed aqalka ku gelijireen. Maxa aad ka fahantay?
1. Xiiseweerar
2. Xaajoweerar
3. Xalweerar
4. Xannaanoweerar
5. Xiloweerar
6. Xaqweerar
7. Xurmoweerar

27/03/2026

Abwaan Muuse Cali (Faruur) waxa uu inna barayaa afarta xilli ee sannadka iyo bilaha Soomaaligu sida ay isuraacaan.

Address

Burco
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhaqan iyo Dhigaal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share