05/01/2020
Caado-dhaqmeedka soomalida, hiddaha iyo sooyaalkeedu waa mid facba fac ama jiilba jiil iska dhaxlaysey. Soomalidu waxa ay lahayd hab nololeed dhammaystiran, iyo macaamil nololeed oo 100% wanaagsanaa. Haddii aynaan u gudbin caruurteena jiritaankooda, taariikhdooda iyo ummadnimadooda waxa lumaya sooyaalkeena, caqiidadeena iyo ilbaxnimadeena. Waxyaabo badan oo dhaqankeena ka mid ah ayaannu caruurta u sheegnay, waxa ugu muhiimsanaa in umad kastaaba dhaqan u gooniya ay leedahay, soomaliduna leedahay dhaqan fac weyn oo qarniyo badan soo taxnaa. Waxa ugu weyn ee dhaqanka soomalida laf-dhabarka u ahaana waxa ahaa dhaqaaleheeda. Dhaqaalaha ugu weyn ee soomalidu lahayd waxa uu ahaa xoolaha nool, dhaqankeeduna waxa uu ka soo jeedaa isha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen ; oo ahayd xoolaha nool iyo wanaajintooda, oodidooda, raacidooda, waraabintooda, soofintooda, aroorintooda, dhicintooda iyo dhiqidooda. Waxyaabaha kale ee aannu ay akaadimiyaddu ubadka barto dhaqan ahaan waxa ugu h**eeya, hab-nololeedkii ay u noolaayeen dadkii reer-guuraga ahaa. Mar walba waxa aannu diyaar u nahay inaanu ubadka barro baadi-soocdooda iyo hiddohooda IA.