Xarunta Dhaqanka Hidda Maal

Xarunta Dhaqanka Hidda Maal xarun lagu barto, lagu kaydiyo, laguna ilaaliyo afka, dhaqanka iyo hiddaha soomaliyeed.

07/11/2025
Waxaa habeennimadii xalay Hotelka Nomad ee magaalada Nairobi ka qabsoomay bandhigga buugga magaciisa layidhaahdo "CONSTR...
07/11/2025

Waxaa habeennimadii xalay Hotelka Nomad ee magaalada Nairobi ka qabsoomay bandhigga buugga magaciisa layidhaahdo "CONSTRUCTIVE CONFLICT RESOLUTION".
Buuggan oo uu qoray Maxamed C/qaadir Daa'uud (Stanza) oo ah qoraa soomaaliyeed isla markaana xubin ka ah guddida Afka soomaaliga ee heer qaran, sidookalena kamid ah bareyaasha Jaamacadda Ummadda soomaaliyeed.

Madashan oo ay soo qaban qaabisay "XARUNTA DHAQANKA EE HIDDA MAAL" ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo kala tirsan Dawladaha Soomaaliya iyo kenya, oo isugujira wasiirro, xildhibaanno, madax kale, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Nairobi.

Madashan oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimey ayaa waxaa ugu horrayn kelmedo furitaan ah oo isugujira mahadcelin iyo soodhowey kasoo jeediyey, Abwaan Axmed C/llaahi Jaamac (Axmed carab) oo ah guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hidda maal.
Waxakale oo iyaguna madasha ka hadlay xubno kaladuwan oo isugujirey siyaasiyiin, haween iyo dhallinyaro.

04/11/2025
   Dhammaan reer Nairobi, waxaannu si sharaf leh idiinku marti qaadaynaa, bandhigga Buugga    magaciisa layidhaahdo "CON...
04/11/2025



Dhammaan reer Nairobi, waxaannu si sharaf leh idiinku marti qaadaynaa, bandhigga Buugga magaciisa layidhaahdo "CONSTRUCTIVE CONFLICT RESOLUTION".

Buugaas oo uu qoray Professor Abwaan maxamed C/qaadir (Stanza)

Kasoo qaybgalkiinnu waa noo muhiim.
Mahadsanidin.

QABAN QAABADA:
"bahda Xarunta Dhaqanka ee Hidda maal"

Xarunta Dhaqanka ee Hidda maal ayaa  caawa magaalada Nairobi ku qabatay, madal si heer sare loosoo agaasimey, oo lagusoo...
31/10/2025

Xarunta Dhaqanka ee Hidda maal ayaa caawa magaalada Nairobi ku qabatay, madal si heer sare loosoo agaasimey, oo lagusoo bandhigay Buugga magaciisa layidhaahdo "Sahamin Falsafad Soomaaliyeed".
Buuggaas oo uu qoray Nuuradiin askar ibraahin, oo ah qoraa iyo siyaasi soomaaliyeed.
Madasha ayaa ugu horrayn waxaa kelmedda furitaanka iyo soo dhoweynta martidii kasoo qayb gashay bandhigga halkaa kasoojeediyey Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hidda maal "Abwaan Carab".

Bandhiggan oo ay kasoo qayb galeen bulshada magaalada Nairobi qaybeheeda kala duwan, ayaa waxaa halkaasi ka hadlay siyaasiyiin, abwaanno, culimo, ganacsato, aqoonyahan haween iyo dhallinyaro.
Dadka hadlay waxay dhammaantood ku dheeraadeen sida baahi loogu qabo aqoonta noocan ah inay dadku fahmaan, isla markaana laga shaqeeyo sidii cilmi baadhiso badan loogu samayn lahaa hab fekerka bulshada soomaaliyeed iyo dhinaca falsafadda.

27/10/2025

MARTI-QAAD.

Dhammaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Kenya, waxaannu ku marti qaadaynaa Bandhigga Buugga magaciisa layidhaahdo Sahamin Falsafad Soomaaliyeed.
Buuggaas oo khamiista soo socota ee taariikhdu tahay 30-10-2025 lagusoo bandhigayo Hallka Paradise ee kuyaal Xaafadda islii.

Haddaba, Bahda Xarunta Dhaqanka ee Hidda-maal waxay martiqaad u fidinaysaa qofkasta Soomaali ah islamarkaana Nairobi jooga.
Wax shuruud ah iyo kaadh midna lagamarabo qofka imanaya madasha.
Dhammaantii kasoo qaybgal wanaagsan.

Mahadsanidin.

Wixii Faah-faahin ah kala xidhiidh.
Whatsupp: +254758386900

Address

Nairobi
00610

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xarunta Dhaqanka Hidda Maal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share