Mohamed jama M.J

Mohamed jama M.J ‘’Hadalkaan saxnayn wuxuu taraa sun iyo waabey’’

🗣️Qamaan Bulxan Yuusuf

07/06/2026

Waa kuwee 5 Ta abwaan ee ugu horeysa dhanka maansada soomaalida

Qayb 2aad

05/06/2026

Waa kuwee 5 Ta abwaan ee ugu horeysa dhanka maansada gayiga somaliyeed ?

04/06/2026

AUN Ismaaciil mirre wuxuu gabaygaan tiriyay asagoo kayimid jihaad uu gaashaanka ugu daruuray ciidamadii gumaystaha 1913 kii dagaalka kuma kumac dheer Ruuga ama Dulmadoobe
Goobta uu gabayga ku mariyayna waa bogcadii fariisinka ama xarunta u ahayd daraawiish ee taleex.
Gabayguna waa warbixin sidii dagaalku udhacay daraawiishtii kale uusiiyay.

03/06/2026

Abwaan cali dhuux aadan

Qayb 2aad.

02/06/2026

Fagadamaa bari fayl uu helay fiirshayoo rogaye
Wuxuu falagadiyo oo gadiyo oo fajac umuuqdaaba
Wuxuu farmuqoo qoraalada fikir ka goobaaba
Asagoo faa iido wax uleh iyo furas ka baaraaya
Falsafad siyasiyuhuu kahelay uusan filahayne
Waxay tiri kursiga ree fulaan maaha shay fudude
Adna jihadii fayoobayd baad rabtaa inaad ku fooftaaye
Farsamooyin kamaqan baa baryahan fuliya howshaase
Fahmo yeelo waan kuu furfurin waanan faaqidiye
Waxay tiri hadba filada kii fadhiya waa inaad faraqa leeftaaye
Waa inaad cidii fiirisaba fagadamow adigu feedhaaye
Waa inaad amaantiisa faafisood yara fogaysaaye
Facebooga iyo aaladuhu waa furin dagaaleede
Waa inaad feejignaan muujisaa foostadaa badane
Ololahiisa asagoon ku farin waa inaad dhaga furnaataaye
Firfircooni Waa inaad fagaaraha food u dalabtaaye
Feeraha ood kajeceshahay umaad falayn taase
Fikirkisuna kuma fajicin fays kastuu yahaye
Wuxuuse feermadiisii hayaa kursiga reer fulaan hebele
Adiguna halkaad ku foogtahay waa ninkii kuu firayn karo e
Fiirmo yeeloo jidkaa lafalay foofi taladaada
Goortuusa halkaa fayl ku goay wuu fayiig baxaye
Bal fagadame sidee buu ufulin filinkan loosheegay?

01/06/2026

AUN Cali Aadan Gorayo (Cali Dhuux).

30/05/2026

Sadexeeye oon jirin iyagu, sulux magaaraane.

Eid wanaagsan dhamaan asxaabta qiimaha badan Rag culus baa sawrika igu weheliya. Garaad Dhaashane iyo cabdi axmed macali...
27/05/2026

Eid wanaagsan dhamaan asxaabta qiimaha badan
Rag culus baa sawrika igu weheliya.
Garaad Dhaashane iyo cabdi axmed macalin.

26/05/2026

Abwaan Cabdullahi macalin dhoodaan

22/05/2026

Aduun waa ciyaar iyo
Cisho iyo habaynee
Caasinimo ka dheerow

Waana cirib go aysoo
Camal lagala tagyee
Caadayso sadaqada

Cindigaaga laabtana
Cuqdad ooma fiicnee
Calwasaadka daayoo
Cafis sii walaalkaa

Caadilkii ku uumayu
Ceebtaa ma faafine
Ha cawarin sirtaadana

Cidkalana xumaanteed
Ciso laguma gaaree
Cimrigaa ha faaqidin.

Address

Nairobi
00610

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed jama M.J posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share