30/08/2025
Waxa aan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeen Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo maanta loo doortay hoggaaminta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Waxa aan u rajeynayaa Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dowladnimada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir loogu xaqiijiyo dhammaystirka Federaaleynta dalka, anagoo aaminsan in daadajintq dowladnimadq ay muhiim u tahay dimuqraadiyeynta dalka.
Waxa aan ku adkeeynayaa bulshada iyo hogaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari in ay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka.
Waxaa sidaasi yiri madax weynaha jamhuuriyda Federaalka soomaaliya Hassan Sheikh mohamud