19/07/2025
Waan kala durugne
Kalsoonidii madona
Naftu way dayoowde
Ruuxda maan dawayna
Jaceylkii duugmaye
Dawooy maynu dona
Duuftiyo ilxumadaaa
Dib ma uga dhawrnaa
Duflaalka ina-galay
Darxumada ma dayna
Wax kasto usii daran
Cashaqa ma diidnaa
Dunto la isku ken xiro
Dawo dhaanta man arag
Dihashada filkeenaa
Ubad daahdaheeyana
Qofna noma diidine
Armaad dib-umidownaa
So duulka kugu jira
nafta dabacsanantiyo
Dacfiinimo kumun arag
Waxba diidmaayee
Kaalay an daweeyno
nacasyada la dirirne
Nafta diirimaad gali
Durdurada da'aayiyo
Dufaanta dhacaysana
Dugsi kamaan galin
Adi daydaygaagan
Dariiqyada ku daalo
Daraada udarasaqay
Danteena wada jirkiyo
Nolol daain abidkeen
Dahabey ma doonaa
Abdirisack M. Sirat