20/08/2026
Waxaan kamid ahay dadkii kusoo barakacay dagaalladii galbeedka sitti, aniga iyo qoyskayga waxaan ku sugnayd magaalada erer, ooridii ama gabadhan oo xaaskayga ah ayaa iga xanuusatay wax oon dhakhtar ku geeyo ma haysanin magaalada ayaa xooga lacag ah nalooga dhex ururiyay, carruurtii waan isaga tegay oo waxan qaaday gabadha waxaanan geeyay hospital diridhaba kuyaalla.
Muddo hal bil ah ayaan halkaas aad ugu silicnay gabadhii wax oon daawo u siiyo iskadaaye xattaa jal waan u waayay oo wixii yaraa wuu naga dhammaaday, carruurtaydii iyaga warkoodaba daa oo inaan ka maqnaado ayaan cuskaday.
Ugu danbayn dhakhtarkii wuxuu igu yidhi gabadhan xanuunkeeda waxba k**a qaban karno ee qaad oo hospitallada addis Ababa kuyaalla gayso wuxuuna ii jaray warqaddan.
Aniga maadaamo xaalkaygu kaas aan soo sheegay ahaa waxaan u raadiyay nool aan mar ku gaadhsiiyo halkii ay carruurteedu joogtay alle mahaddii waanan keenay oo waatan ubadkeeda dhex jiifta ee tii rabbi ku sugaysa )
Sidaas waxaa yidhi walaalkan oo lagu magacaabo XASAN XAREED WAABARI, haddaba waxaan qisadan xanuunka leh niilasoo wadaagnay waa labo qodob inaan u samaynno:
1) waa habeen khayrleh oo jumce inaan u ducaynno laga yaabo inuu ilaahay sw ducadeenna u aqblee.
2) inaan ugu kaalmaynno qofba wixii uu karayo welibaw 100 birr ha ahaatee.
Wixii aad awooddid ugu dir lambarkiisa waa XASAN XAREED WAABARI 092 479 0085
FG: war intaas ka badan haddaad uga baahatid waad wixi kartaa xataa WhatsApp uu ugu furanyahay.