Calanside media

Calanside media haku hadlin hana qorin wax hadda kula fiican balse udaran mustaqbalkaada. feejignow.

06/09/2025

Hooyo waa lama huraan.

06/09/2025

Parents

06/09/2025

Try it first.

06/09/2025

Nimcooyinka ilaahey lama koobi karo #

06/09/2025

Sangub waa funny

06/09/2025

Ma saxbaa sidaasu?

Waa bilaash aduunyaduNinkii baraka moodaayowWaa buraash ibliis uu watooBalo hugaameysoAdoo balan lahaabuuWadku balaf ku ...
21/03/2022

Waa bilaash aduunyadu
Ninkii baraka moodaayow

Waa buraash ibliis uu watoo
Balo hugaameyso

Adoo balan lahaabuu
Wadku balaf ku siiyaaye

Buurdheer midkii saaran iyo
Ruuxii banaan yaalo

Ileen kaama bayroo wadkaan
Baaqasho laheene

Ha ubogin inaad xoolo badan
Boorso ku xareysay

Ama aad bakhaar leedihiyo
Baankii lacageedba...................

Waa been bakhaar yeelatoo
Badowgu noo beego

Bini-aadamkaa bi'inayoo
Basarxumada keenee

Baarigii na uumay isaga
Lagu bartow rabaye

Badbaadada waxa helay
Midkii boqorka weyneeyo

Waxa ba'ay midkii baalmaree
Sheydaanku buufsadaye

Inabixi baariyow markasta
Baahanaa nahaye🤲🤲🤲

06/01/2022

SOOMAALIYEY NABAD✋✋.

NUXUUS WEEYE QORIGU
KII SAMEEYAY UU NACAY
ADNA WAAD KU NABANTEE
NOQO TII MIDOWDOOO
SOMALIYEY NABAD NABAD NABAD.

14/09/2021

Madaxweynihii koobaad ee qaranka soomaliya Adan abdulle isman oo xilka ku wareejinaya madaxweynihii la doortay 1969-kii
Mudane abdirashid ali sharmarke.
Oo ay ku dheehan tahay masuuliyad, wadaniyad iyo dimuqaraadiyad dhab ah.

12/09/2021
17/08/2021

Darbi adag ninkii dumin rabee dubbana aan haysan.
Bir dalooli kii maagayee cirbadna doondoonto
Dabaalnimo halkaasey dagtiyo doqonimo weyne
Waxaase kasii daran ninkii diin islaam duraye.
Isagaa is dooxayee miyuu dumin karaayaaba
Dan miyuu ka leeyahay ilaah daalimkaan doodaayo.

Ilaahey miduu dooraybaa dumarow iin roone
Damdamleynta gaalada war hoy darbi iskatuurkoda
Darajiyo hamoodina iney xaqiina doonayaan
Hadii ay dadnimo leeyihiin dux iyo iimaanba
Dumarkooda may wada dadaan diracna aan haysan.

Waa lagu duloobaa durduro diintoo laga fiirsan.
Waa wixii shabaab nagu diloo daqaro noo gaareen
Dalaq-dalaqdan baasiyo afkaan la iska doojaayo
Waa waxa daciifnimo nabaday duni islaaam maante
Diinyare damiiniyo markaad daliilba aad haynin
Dadkii h**e waxay noo darseen maah-mahyo door weyn leh
Afdaboolan dahabey dhaheen doqoni moog taase.

Daa'imkeen duruustiisabaa daahirnaan badane.
Diinta ilaahey ayaa lagu dawoobaaye
Adigoon dugsiba aadinoo dibad wareegaayay
Adigoon quraankaba darsinoo hoos usii daginba.
Dulbadanow rasuulkii (scw) adoon baran duruustiisa
Axaadiis adoon soo dulmarin bukhaari aan daawan.
Adigoon ka daalacan cilmiga culimo duubweyn leh.
Dood culus inaa noo furtaa waa daciifnimo'e
Dambina waxaa kuugu filan dacartaad siideyni.

Dangaara adoo doonayiyo gaal ladarajeeyo
Doolar uun adoo doonayiyo duunyo lagu siiyo
Daaqadda amaad kala baxdaa dulmi laguu doortay
Dab holcaayo baad daba ordee dambaabulo naare
Allow yaa kadaa kugu yiraa waa digniin culuse

Ilaahii dhulka darin kadhigee cirka dadan taagay
Ee aan dalool iyo lahayn daaqad laga duulo
Daruuraha da'aayiyo rabigii dooga soo bixiyay
Buuraha dangiigana duldhigay saan udaganaano
Halkii dalage aan duuganana kumaankun soo daadsho.
Caanahaan durduurano rabigaan dhiig kusoo darinba
Hawadaan ku daanshooneynana diinaar naga siisan.
Minidoo daciif ah rabigii dad nool ka abuuray.
Nabiguu asagu soo diree daacad lagu doortay
Waxyiguna kusoo dagahayee digniinta loo dhiibay.
Quraankuna daliiliyay inuu waxyi bes siidaayo
Hadii uu ku darilaa waxaan ilaahey dooneynin
Kadaa sooma uu oranlahayn see asaa diraye.
Doodiinu waa doqonimoo waan dareensadaye.
Dubkiina unaxa oo dadyahow dunidu waa maalmo
War duuduub uqaata diintuu ilaahey noo dooray.

14/08/2021

Hadey kaa xirxiran tahay
Amay kaa xaniban tahay
Xabsi aad ku nooshahay
Waa xaal aduunyoo xumaan
Lagama waayee ha is xiijin
Waligaa, ha uxanaaqin waayaha.
Xayndaabka baasiyo marbaad
Xariga goyniye.

Mid xareystay xoogaa xoola
Badana haysto, rabi kaama xigo adi.
Xirfad uu la yimid iyo midhaa xeeladiisa
Rabigiis ku xoojiyay
Kuxirnow ilaahey ku xamdi xigtii yare
Xaakimku ku siiyay.

Address

Kisii
4020

Telephone

+254720100040

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Calanside media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Calanside media:

Share